WAJAALE NEWS

Wakhtiga Lafilayo In Ay Dib U Bilaabmaan Wada-Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya.

HARGAYSA(W,N)-Waxaa dhawaan baaqday kulamadii lagu sii ambo-qaadayey wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu balansanaa inay ka furmaan dalka Jabuuti.

Kulamadaasi oo ay ku balansanaayen Guddiyada farsamo ee labada dhinac inay dalka Jabuuti uga furmaan todobaadkii hore bilowgiisa si loogu sii ambo-qaado wada-hadallada labada dhinac ayaa gebi ahaanba qabsoomin.

Xog ay heshay warbaahintu, ayaa tibaaxeysa in furitaanka wada-hadalladaasi ay dib u dhaceen muddo todobaad ah, isla markaana ay dib u bilaaban doonan todobaadyada soo socda.

Dib u dhaca ku yimid kulamada wada-hadallada ayaa la rumeysan yahay inay horseed u yihiin xidhiidhada diblumaasiyadeed ee Somaliland ku baadi-goobeyso aqoonsiga iyo xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa dowladda federaalka oo mar kale soo laba kacleysay.

Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxeexday heshiis hordhac ah, inkasta oo uu u muuqday mid aan wax badan ka duwaneyn kuwii dowladihii hore, balse majiro ilaa hadda qodobo si rasmi ah uga fulay.

Exit mobile version