WAJAALE NEWS

Somaliya: Horaa Loo Soconayaa”Siyaasi Cali Guray.

Dawladda Somalia Maaha Dawlad Madaxwayne sida Dawladda Somaliland oo kale ee waa Dawlad Baarlaman. Go’aanka Aqalka Hoose maanta uu kalsoonidii kagala noqday xukuumaddii RW Khayre wuxu dhaliyay muran sharci golaha dhexdiisa iyo dibaddiisaba. Hadaba su’aashu waxay tahay saw ma jiro sife sharci oo xildhibaanada tirada yar ee ka soo horjeeda go’aanka goluhu ay u mari karaan si hadii sax tahay doodoodu waxba kama jiraan ka dhigi karaa mise ma jiro? Hadii uu jiro dabcan wuu jiraaye waxa u furan in ay ku talaabsadaan. Dabcan ugu dambaysta sida caadiga ah Maxkamada Sare ayaa leh in ay tafsiir sharci ka bixiso sharciyadeeda ama sharci darrada go’aankan hadii uu ka hor imanayo Dastuurka Somalia. Madaxwayne Farmaajo sida uu sheegay isagu keliya wuxu aqbalay Go’aanka Golaha Shacabku ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda RW Khayre. Markaa isagu wuxu iska fogeeyay in isagu in wax lug ah uu ku lahaa ama ku leeyahay khilaafka golaha laakiin dabcan uu aqbalay kuna qasbanaa in uu aqbalo.

Hawshii Raisul Wasaaraha wuxu Madaxwaynuhu u igmaday RW ku xigeenka Mudane Mahdi Guuleed balse waxa suurtogal ah in uu si dhakhso u soo magacaabi doono Raisul Wasaare cusub oo soo dhisi doona xukuumad cusub. Waxa muhiim ah intaa ka dib saamaynta khilaafkani uu ku yeelan doono xaaladda Somaliya guud ahaan gaar ahaanna degenaanshaha iyo xasiloonida. iyadoo marka horeba xaaladda nabadgelyada Somalia aanay sugnayn ayaa werwer badan laga qabi karaa in ay faraha ka baxdo hadii aan xal deg deg ah la helin.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh go’aanka Golaha Shacbiga ayaa u muuqan kara in aanu ahayn wax ka abuurmay meel madhan, ee laga yaabaa in uu dabada ku hayo wadatashi dhinacyo badan oo talo midaysan ka yeeshay sidii Somaliya ay ugu gudbi lahayd marxaladda adag ee wakhtigan iyo duruufaha ku xeeran qabashada doorashada oo laga yaabo sida ay wax u socdaan in ay noqon doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, sida ay u muuqato in ay tahay aragtida uu qabo Madaxwayne Maxamed Cali Farmaajo

Siyaasi cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray”

Hargaysa Somaliland

Exit mobile version