WAJAALE NEWS

“Miyi Iyo Magaalo Waalidku Waa Inay Ka Warhayaan Ubadkoodu Si Aanay Ceeb Uga Iman.”Sh Dirir.

Hargeysa(W,N)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir oo bulshada islaamka u faahfaahinayey xikmadaha quraanka iyo sunnaha Nebiga CSW loogu xaaraantimeeyey sinnada ayaa sheegay inay tahay mid u wanaagsan qaranka, qoyska iyo qofkuba ku jirto.

Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Dirir ka hadlayey ayuu  sheegay inuu bayaamin doono khatar aad u weyn oo mujtamaca islaamka dhib ku haysa, aadna inoogu soo fidaysa, kana mid ah cudurada bulshada ee dhibka badan, waxyaalahii diinta islaamku u timi inay horjoogsatana mid ka mid ah, oo ah sinnada. Waxaanu yidhi,

“Waxa kalifaya inaynu ka hadalo sinnada, waa iyadoo sharcigii Quraan iyo Xadiis ka hadleen, axaadiis afartameeyo ku dhow iyo aayado tobaneeyo ku dhow ayaa sinnada ka hadlaya inay xaaraan tahay iyo khatarta ay leedahay, iyo iyadoo ku soo badanaysa bulshadeena, ka dib markii da’yarteenu u qaateen dhaqanka shisheeyaha in lagu ilbaxo. Waana dhaqan loogu tallogalay in bulshada islaamka lagu baabi’iyo. Madaxdii Faransiiska midkood ayaa lahaa Muslimiinta way adag tahay inaynu dagaal kaga adkaano, laakiin ruux dumar ah oo jidhkeeda iibsata iyo quraarad khamri ah ayaa inoo dhaama kun madfac oo aynu ku ridno. Gaaaldu sidaa ayey u fikirayaan.

Sheekh Dirir ayaa sheegay inay jiraan kulanno badan oo da’yarta ka dhexdhaca, meelo lagu caweeyo, dalxiis la isla sameeyo, sidoo kale gawaadhi yarayar oo xilligan soo korodhay oo khatar badan, oo dibadaha magaalooyinka taagan, qaarkood ayaa loogu tegay dad kala sinnaysanaya, waa arrin khatarteeda leh oo innagu soo kordhay, fakinadii la sheegi jiray oo la firdhiyey weeye.

Sheekh Dirir ayaa ku baraarujiyey waalidka iyo waxgaradka inay la socdaan ilmahooda waxa qabanayaan, marwalba waxaanu yidhi,

“Da’yartu berigii hore wax badan ayaanay arki jirin oo cawradan iyo ceebtan shaarica taala, intarnatka iyo agabkan la daawanayo, waxa laga yaabaa in qofka yari uga aqoon roon yahay kii weynaa sida la isku waxeeyo, lacag yar ayuu ku shubanayaa, oo ku daawanayaa, markaa sharcigu waxuu keenayaa in laga hadlo, sababaha keena, sida looga hortegayo, dhibaatooyinka ka imanayana waynu xusi.

Sheekh Dirir oo fasiraad ka bixinayey waxa sharcigu u yaqaano sinno ayaa yidhi, “ sinnadu waa ruux dumar ah oo loo galmoodo, meher la’aan. Caalinkii Ibnu Qayim RC waxuu leeyahay markaan quraanka baadhay, dembiyada lagu tilmaamay qudhunka waa saddex, mid waa gaalnimmada, midna waa dhaqankii qoom luudka, waa waxan manta gaaladu ku faanayaan, ururada Qoomu-luudka waa kuwa ugu awooda badan wakhtigan caalamka, ta saddexaadna waa sinnada ayuu sheekhu yidhi, sida Ilaahay SW quraanka inoogu sheegay “Ragga iyo dumarka xunxun iyaga uun baa is-leh. Sheekh Ibnu Xajar waxuu leeyahay sinnadu heerar ayey kala leedahay, way xuntahay in ruux dumar ah dariiqo xaaraan ah loogu tago, wax aka sii xun gabadh la qabo in laga sinnaysto, wax aka sii xun sinnada ehelka iyo xigtada.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey sida saxaabadii Rasuulku CSW u fahmeen diinta, ugalana dagaalami jireen ehelkooda xumaanta sinnada aya ayidhi,

 

“Cusmaan ibnu Cafaan RC, wakhtigii kacdoonku dhacay ee la dilayey, iyadoo gaadh laga hayo, ayuu yidhi waar saddex arrimood oo dilkayga bannayn lahaa midna maan samaynin, Ilaahay SW intaan aqoonsadday, marna dib ugama laaban, oo murtad maan noqon, wakhtigii jaahiliyada iyo islaamka midna maan sinnaysan, qof muslim ahna maan dillin. Saxaabigii Abu hurayra RC waxuu yidhi, qofku haduu khamri cabbo ama sinnaysto, Ilaahay SW waxuu iimaanka uga siibaa, siduu dharka isaga bixiyo.

Sinnada dhamaan diimahii sammada ka yimi way xaaraantimeeyeen, laakiin laba dhaqan oo manta aduunyada gaaladu isticmaasho ayaa xalaaleeyey, nidaamka dimoqraadiyada oo ah in dadku six or ah isaga noolaadaan, wadaadada kiniisadahuna dhinaca kale ayey mareen oo galmo dhamaanteed way xaaraantimeeyeen, laakiin may joojine midwalba isagoo ilmo yar u gurguurtay ayaa la maqlaa, laakiin islaamku labadaa wax u dhexeeya ayuu sharciyeeyey meherka sharciga ah, qofku hamadiisa ku guto dariiq sharci ah.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey halista sinnadu leedahay sharciguna inna farayo ee loo baahan yahay inaynu isku baraarujino oo lagaga hortegi karo ayaa yidhi,

Guurka in lagu dhiiriyo dadka iyo dhalinyarada, oo siyaasad caam ah oo la qaato noqoto   Iska ilaalinta eegmada xaaraanta ah ee quraanka Ilaahay SW uga digay raga iyo dumarka  In layska ilaaliyo eegida cawrada raga iyo dumar, mid toos ah ama muuqaal

Sheekh Dirir oo faahfaahinayey xikmada quraanka iyo sunnaha Nebiga CSW loogu xaaraantimeeyey sinnada ayaa sheegay inay tahay mid u wanaagsan qaranka, qoyska iyo qofkuba ku jirto. Sida

Inaanu fasahaadin nidaamka qoysku, oo abtirsiimadiisa iyo ehelnimadiisu wanaagsanaato.

Waxay sinnadu lumisa abtirsiimada, ummadaha dhexdooda ay ku faaftana abtirsiimo ma laha.

Waxay halis ku tahay maalka ummada, qof aanu xalaal ku dhalin marka la raaciyo dhaxal xaqdaro ah ayuu qaadanayaa.

Waa sababaha faafiya cudurada halista ah

Waa sababaha keena dilka, ruuxii dumarka ee sinnaysatay intay ceeb ka cararayso ayaa dhici karta inay nafteeda disho ama ilmahii disho, oo dembi sinnadii ka weyn ku dhacdo.

Waa dariiqada xawayaanku u wada xidhiidho, ee dadka sharaftooda dhowraya ee islaamnimad atixgelinaya aanay u wada xidhiidhi Karin.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in cududrada bulshada ku soo badanaya sida  mukhadaraadki aynu ka soo hadalnay ay sinnadu ka mid tahay. Waxa nasiibdarro ah gabadh marka la garciyo inta ay uurka leedahay ma mehersamaysaa, keliyaa dadku isweydiiyaan, maxaa ciqaab ah cidna ma raadiso. Gabadhahii qaaliga ahaa ayaa raqiis laga dhigay, waana nasiibdarro dhinaca dhaqanka ka timi, marka miyi iyo magaalo waalidku waa inay ka warhayaan  xaaladaha ubadkooda si ceeb aanay ugu iman. Arrinkaa ayeynu baraarujinaynaa, sharciguna ka hadlay, khatarteeduna ay soo kordhayso.

 

 

Exit mobile version