WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Punthland Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xilka Qaadistii Khayre.

GAROOWE(W,N)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay raysal wasaare Khayre.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si furan uga xog-waremay waxyaabihii qarsoona ee aan saxaafadda lala wadaagin markii lagu sugnaa Dhuusamareeb, kadib markii ay u muuqatey in Madaxweyne Farmaajo ku wacad furey daacadna ka ahayn shirkii Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Puntland waxa uu qirey in Farmaajo la qaatey qaabka doorasho ee dalka ka dhacaysa in ay noqoto mid u dhexeysa tii 2016 iyo midda uu rabey ee ah hal qof iyo hal cod, si kale haddii loo dhigo doorasho dadban oo ka wanaagsan tii 2016, laakiin nooca ay tahay ayaan magac siin kari weyney waxaana ku heshiiney in guddi loo saaro dejiya qaabka,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version