WAJAALE NEWS

Gudoomiyihii Hore Ee Wajaale Aadan Shiine Oo Hambalyey Maamulka Cusub Ee loo Magacaabay Degmada Wajaale,

London(W.N)-Gudoomiyihii hore Ee Degmada Wajaale Eng Aadan Shiine, ayaa Hambalyo udiray  Gudoomiyaha cusub  iyo ku-xigeenka loo magacaabay degmada tog wajaale,

Ex. Gudoomiye Aadan Shiine, waxa uu Wasiirka arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin ku amaanay xulashada Aqoonyahanada dhalinyarada ah ee u Magacaabay Degmada Dekeda qalalan ee Wajaale.

Sidoo kale, gudoomiye Aadan Shiine oo lasoo xidhiidhay Shabakada Wararka ee  Xogreebnews, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi, uu ku boggaadinaayo magacaabista Dhalinyarada Aqoonyahan ka ah. Waxanu intaa ku daray in loo baahan yahay maskax aqoon leh, oo dalka waxka bedesha.

Gudoomiyihii hore ee degmada Wajaale Mujaahid Aadan Shiine, waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta loo Magacaabay Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka Degmada Wajaale inay isbedel Horumarineed oo degdeg ah, la yimaadaan, isla markaana Bulshada masuuliyadeeda qoorta loo sudhay u hagar-baxaan Allena ha u fudaydiyee.

Guntii iyo gebo-gebadii waxa uu Gudooomiye Aadan Shiine maamulkii hore ugu baaqay inay si niyad-samiya xilka ugu wareejiyaan Masuuliyiinta cusub ee loo soo Magacaabay, waxanu sheegay inuu xilka qaranku yahay qori-isu-dhiib. Sidaas daraadeed xilka ku wareejiyaan Aqoonyahanka loo soo Magacaabay magaalo gamacsiyeedka Wajaale.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version