WAJAALE NEWS

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Cambaareeyay Talaabada Xukuumadu Kula Wareegtay Xaruntii Star Tv.

HARGAYSA(W,N)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu si wayn uga soo horjeeda talaabadda xukuumadda Somaliland kula wareegtay xarunta Telefishanka Star TV ee Hargeysa.

Ururka waxa uu u arkaa gef sharci in iyadoonay Maxkamad awood u lihi Amrin xidhiga hay’ad warbaahineed ama Wariye in digreeto/amar wasiir ama badhasaab lagu xidho.

Talaabadda lagu xidhay Star TV, waxay muujinaysaa inay xukuumaddu gacmaheeda ku fushanayso awaamiirteeda iyadoon laga garnaqin waxa lagu eedaynayo.

Sidoo kale, Ururka Solja waxa uu maalmahan isha ku hayey talaabooyin la doonayey lagu hadidayey telefishanada qaarkood iyadoo loo food samaynayo warar ay ka baahiyeen gobolka iyo dalka gudihiisaba, iyadoo la isku daayey in hawada laga saaro, iyadoo loo adeegsanayo dad ka faa’iidaysta fursadaha noocan oo kale ah.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidanka ka dul qaado xarunta Telefishanka Star. sidoo kale, ururku waxa uu ugu baaqayaa inay xorriyaddiisa usoo celiso Wariye Jaabir Siciid Ducaale kaasoo ay maxkamadda gobolka Sanaag maanta toddoba cisho oo rumaan ah u jartay.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

 

Exit mobile version