WAJAALE NEWS

Muwaadiniin Reer Somaliland Ah Ee Ku Go’doonsan Turkiga Oo Qaylo Dhaan Usoo Diray Xukuumadda Jsl.

Wakiilka Somaliya ufadhiya Turkiga  Oo Dhegaha Ka Xidhatay Cabashada Muwaadiniin Reer Somaliland Oo Mudo Ku Go,doonsan Turkiga.

Istanbul(W,N)-Muwaadiniin reer Somaliland ah, oo mudo laba bilood ka badan ku go’doonsan dalka Turkiga, ayaa Xukuumada Somaliland usoo Jeediyey inay usoo gurmato, isla markaana kasoo daad-gurayso.

Bulshada ku go’doomay Turkiga, ayaa xaalado kala duwan la nool, iyagoo qaarkood markii hore xaalado caafimaad u tageen, halka kuwo kale waxbarashadi ka dhamaatay, sidoo kalena dadka qaar ayaa hawlo shaqo ama ganacsi ama qoys u tagay, waanay sii kala daranyihiin.

Qaar kamid ah, Muwaadiniinta ku go’doonsan dalka Turkiga, oo xidhiidh lasoo sameeyey Shabakada Xogreebnews, ayaa Codsaday in Xukuumada Somaliland usoo dirto diyaarad, isla markaana halkaa laga soo daad-guraayo, tirada dadkan ku xayiran Turkiga, ayaa lagu sheegay 85, intaa diiwaangashan.

Muwaadiniintan reer Somaliland waxa ay si weyn uga Cawdeen Safaarada Somaliya ee Turkiga, oo ay sheegeen in mudo laba bilood ah ka dhursugayeen, isla markaana waxba aanay ka qaban cabashadooda iyo weliba in aanay u hawlgelin sidii ay Diyaarad u heli Lahaayeen.

Xukuumadda Somaliland, ayey ka codsadeen inay ka hawlgasho sidii ay Diyaarad u heli Lahaayeen oo keliya.

Si kastaba ha haatee tan iyo intii uu soo baxay Xaalada Xanuunka Coronavirus, ayaa waxa aduunka ku yimi Xaalad kala xidhnaan iyadoo qof welba meel ay xayiraadu ku qabsatay, hase-yeeshee dawlada ayaa dadweynaha tirada badan ee Bandoodu qabsatay u gurmada, Isla markaana samabixiya. Xukuumada Somaliland ayaa la looga fadhiya in Bulshada ku darayeysan Turkiga kasoo daad-gurayso.

Exit mobile version