WAJAALE NEWS

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Degmada Sabawanaag Iyo Bali Mataan ka Dhagax-dhigay Laba Xarumo Caafimaadka,

Hargeysa(W,N )-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa socdaal shaqo ku tagay deegaano ka tirsan, labada degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo ku-yaala, Koonfurta bari ee caasimada Hargeysa, isla markaasina kamida degmooyinka maamul ahaan sida dad-ban u hoos-yimaada Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.

Socdaalkan maanta ee maayarka iyo waftigiisu ku tageen deegaanadan ka tirsan labadan degmo ee Sabawanaag iyo Bali-mataan, oo jeedadiisu daaranayd kormeer iyo dhagax-dhig ay ku samaynaayeen, qaybo kamida xarumaha caafimaadka ee deegaanadani, ayaa waxa Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo waftigiisu ugu horeyn kusoo dhagax-dhigay laba xarumood oo caafimaad (laba MCH) oo laga hirgalinaayo Tuulada Axmed Buur iyo Tuulada Cali Aadan, oo kamida degmada Sabanaag, iyo soo kale dayr balaadhan oo loo sameynaayo cusbitaalka degmada Bali-mataan oo ay isagana dhagax-dhigeen.

Dhinaca kale waftigan Maayarka caasimadu uu hogaaminaayey ayaa waxa ay kormeer balaadhan ku tageen, xarunta caafimaadka ee degmada Sabawanaag iyo xarunta caafimaadka ee tuulada qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag, oo ay dawlada hoose ee hargeysa ka fulisay dayactir iyo qalabayn dib loogu hawl-galinaayo laguna.

Gaba-gabadii socdaalka waftiga ayaa waxay kusoo gunaanadeen qiimayn iyo indho indhayn ay kusamayeen, xarun cusub oo goob caafimaad ah oo dhawaan ay si iskooda u dhisteen bulshada ku dhaqan, deegaanka tuulada Bali Kaliil ee degmada Sabawanaag, isla markaasina dawlada hoose ay hada gacanta ku hayso sidii loo qalabayn lahaa loona dhaqaajin lahaa.

 

 

Exit mobile version