WAJAALE NEWS

Fashilka Siyaasadda Arimaha Dibadda Jsl Ee Xukuumadda Madaxwayne Biixi, Waxaa Ka Marag Kacaya Buugga Waxqabadka Ee Ay Soo Daabacday Wasaaradda Warfaafintu!

HARGAYSA(W,N)-Muddo laba Sannadood iyo badh ah oo Madaxwayne Muuse Biixi talada dalka hayay,waxay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta sannad kasta dhammaadkiisa bisha laba iyo tobnaad soo saartaa buug ay ugu magac dartay Buugga waxqabadka Xukuumadda JSL,waxaana xusid mudan in xukuumadda madaxwayne Biixi u soo daabacdo buugga waxqabadka ay tahay in ay bulshada Somaliland ku dhacsiiso guulihii sannadka iyo waxqabadkii xukuumaddu ay ku talaabsadeen wasaaradaha,hayadaha madaxa bannaan iyo laamaha dawladdu.Hadaba buugga waxqabadka ee ay soo daabacday xukuumadda Madaxwayne Biixi dhammaadkii sannadka 2019 waxuu cadayn buuxda u yahay in xukuumadda Madaxwayne Biixi ku fashilantay siyaasadda arimaha dibada Somaliland ee bulshadu hamuunta u qabto in ay noqdaan wadan aqoonsi buuxa ka haysta beesha caalamka sida wadamada aduunka .

Buuggan oo ka kooban 178 bog waxuu u qaybsan yahay Afar cutub oo kala ah:-Siyaasadda iyo Amniga,Horomarinta dhaqaalaha,Maamul wanaagga,Arimaha bulshada,waxaana xusid mudan in buugga waxqabadka xukuumadda Madaxwayne Biixi ee sannadkii 2019 ku xustay bogga 1 ilaa bogga 21 aad lix qaybood oo kala ah :-

1;Socdaalladii dibadda ee Madaxwayne Biixi .

2;Wafuudii kala duwanaa ee dalka yimid .

3;Safarada iyo kulamada Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland .

4;Xoojinta cilaaqaadka waddamada caalamka .

5;Shirarka caalamiga ah .

6;Qurba-joogga .

Sidoo kale,waxaa buugga waxqabadka ee Xukuumadda Madaxwayne Biixi ugu talo gashay  in ay bulshada Somaliland ku dhacsiiso guulihii sannadka iyo waxqabadkii xukuumaddu ay ku talaabsatay xukuumadda Madaxwayne Biixi,waxaa hubaala in aan mar kaliya lagu xusin buugga waxqabadka guulaha ay keeneen socdaaladii Madaxwayne Biixi dhowrka wadan uu ku tagay.

Inkastoo,buugga waxqabadka ee xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi soo daabacday mar kaliya laguma xusin kaalinta ay kaga jirto wasaaradda arimaha gudaha Somaliland fulinta iyo waajibaadka gaarka u saaran ee ay u qaabilsan tahay qaranka Somaliland,dhanka kale waxaa buugga lagu xusay in ay dalka soo gaadheen 96 wafdi oo ka kala yimid waddamada aduunka,inkastoo marna laguma xusin buugga waxqabadka guul iyo guul darro midka ay ku dhammaadeen iyo waxa ka soo kordhay wadahadaladii dhex maray wafuudii 96 ka wafdi ahayd ee la kulantay xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi.

Mar kale,buugga waxqabadka waxaa lagu xusay kulanadii Madaxwayne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici uu kula kulmay wafuuda caalamka ee dalka yimid iyo safaradii Madaxwayne ku xigeenku ku tagay wadamada dibadda.Halka,buugga waxqabadka ee xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi soo daabacday,marna laguma xusin buugga waxqabadka guul iyo guul darro midka ay ku dhammaadeen wadahadaladii dhex maray Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kulanadii dhex maray wafuuda caalamka iyo safaradii uu ku tagay wadamada dibadda .

Isku soo wada duuboo,buugga waxqabadka ee xukuumadda Madaxwayne Biixi waxuu cadayn buuxda u yahay qorshe xumada iyo fashlaadda gun iyo baar ka muuqata siyaasadda wasaaradda arimaha dibadda ee xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi,

ugu Dambayn qorayaasha shabakadda wararka wajaalenews. net waxay dhammaan akhristayaasheeda ka codsanaysa in cadaymaha qormada ka raadiyaan buugga waxqabadka xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi 2019 .

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF.

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version