WAJAALE NEWS

“Dawladda Federaalka Somaliya Ayay Puntland Qayb Ka Tahay, Iyada Ayaana Shirka Ku Metalaysa”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Caliguray” oo kamid siyaasiyiinta reer somalland ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeedhay madaxda maamul goboleedka Punthland Somaliya isagoo xusay in shirka wadahadalada Somaliland iyo somaliya ay ku matalayso dawlada somaliya oo maamulka Goboleedka punthland ay qayb ka yihiin..

Sidoo kale Cali Guray ayaa maamulka punthland ugu baaqay in ay xishoodaan madaxdooda shirka ay iyagu ku matalaan dhulka Somaliland aanay jirin cid taako ka haysan kartaa.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu kuleeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga uu udhignaa Sidan;

“Ka xishood Madaxwaynahaaga kuna ekow heerkaaga goboleed. Waxa wada hadlaya madaxdii labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia. Waxad tahay Puntland State of Somalia. Markaa Dawladda Federaalka Somalia ayay Puntland qayb ka tahay iyada ayaana shirka ku metalaysa Somalia oo dhan. Somalilandba waa mid Dawladda Somaliland oo keliya ayaa ka jirta shirkana waxa wada metelaya Madaxwayne Muuse Biixi iyo weftigiisa ku sugan Jabuuti. Markaa walaal xejiso lambarkaaga oo anaga ha noo kala bixina oo shan dawladood ha noo kala noqonina idinkama yeelayno eh. Ma jirto Somaliland taako ka baxsan xuduudaheeda oo ay cid ka haystaa xataa waad ogtahay oo waxay ka warwareegaysaa in ay maamulkeeda wada gaadhsiiso dhulkeeda deriska la ah Puntland iyadoo wax badan xeerinaysa.

Exit mobile version