HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa dhaliilay qaabkii loo buun-buuniyay dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa.
Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiyadda mucaaradka, dad qurbe joog ah iyo dad kaloo siyaasiyiin ah ay six un uga hadleen dhacdadii gabadh yar oo la sheegay in lagu kufsaday xarunta caruurta aan waalidka lahayn ee magaaladda Hargaysa.
Wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed-toorno), oo maanta warbaahinta la hadlay isagoo ku suagn magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, oo uu hawlo shaqo u joogo.
Sidoo kale wasiirka waxbarashada ayaa ugu baaqay xisbiyadda mucaaridku in ay ilaaliyaan qaran-nimadda iyo sumcadda xarunta agoomaha.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;