HARGAYSA(W,N)-Qaarkamid ah dadkii goob jooga ahaa kuna sugnaa masaajidkii weerarkii loo gaystay maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin Xaaji Mahad kaasi oo uu ugaystay nin shaqaale ka ahaa dugsiga hoose ee nuuraadin ayaa ka warbixiyay sidii wax udhaceen iyo qaab loo qabtay ninka maamule mahad dhaawaca gaadhsiiyay.
Sidoo kale Maamulka dugsiyada nuuradiin ayaa ka warbixiyay ninka shaqaalaha ahaa in uu mushahar ku lahaa iyo inkale
Dhanka kale qareenka Dugsiyada Nuuradiin Garyaqaan Xuseen Fadal ayaa jawaab ka bixiyay eedo iyo dhaliilo raqiis ah oo uu maamulka dugsiyada nuuraadiin iyo sida uu u dhacay dhacdadani ka faafiyay Garqaan Jamaal Mandeela, isagoo qareenka dugsiyada nuuradiin sheegay in uu colaad gaar ah u hayo nuuraadiin balse sharci udoodis anay ka ahayn waxa uu sheegayaa.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTAN OO FAAH FAAHSAN;