WAJAALE NEWS

DAAWO;-Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaash Jsl Oo IOM Kala Wareegay Agabka Ka Hortaga Covid19.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Hay’ada Qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Mudane C/kariin Axmed Maxamed “XINIF” ayaa maanta kala wareegay hay’ada IOM agabka faraxalka oo loogu talo galay ka hortaga xanuunka covid 19.

gudoomiyaha ayaa waxa uu ku amaanay hay’ada IOM in ay markasta la garab taagan tahay la dagaalanka xanuunkan aafeeyey bulshada caalamka taasi oo aanay ahayn markii u horaysay ee ay ku caawiso agab noocan oo kale ah,

Sidoo kale gudoomiyaha haayada barakacayaasha ayaa agabkii isla maanta waxa uu goobtii ugu wareejiyey  taliyayaasha ciidamada Asluubta iyo Booliska Somaliland.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

 

Exit mobile version