WAJAALE NEWS

DAAWO;-Ganacsade Maxamed Baarjeex Oo Baaq Muhiim Ah U Direy Shacabka Reer Jabuuti.

Hargeysa (W,N) Ganacsade Maxamed Baar-jeex Oo Kamid Tujaarta Reer Somaliland ayaa shacabka reer Djibouti ugu Baaqay In Ay Nabad-gelyadooda Ilaalshadaan, kana foojignaadaan burbur iyo khalkhal ku yimaada dalkooda. Maxamed Baarjeex oo  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in xasiloonida iyo degennaanshiyaha Dalka Djibouti uu xudun u yahay Geeska Afrika, sidaasi darteed shacabka iyo dawladda dalkaasi looga baahan yahay in ay is-xakameeyaan. Wuxuna yidhi;

“Waxan leeyahay shacabka reer Jabuuti, waar hala dejiyo, waad ogtihiin dalalka jaarkiina ah waxa ka taagan, hadday Yemen tahay iyo hadday Soomaaliya tahayba, annaga xagayaga (Somaliland) nabada uun baanu ku talinaa, inta badan dawladdu dulqaad bay samaysaa, dadku dulqaad buu sameeyaa, markaa waajibaadka idin saarani waa dulqaad, waxan leeyahay khalad meel walba wuu ka dhacaa, hala isdejiyo, haddii tabasho jirto farta iskugu tilmaama, dawladana waajib waxa ku ah in marka khalad jira loo sheego in iyada lafteedu isa saxdo. Markaa bulshada Jabuuti waxan ku guubaabinayaa, waar ilaashada nabadgelyadiina.”

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynaha Dalka Djibouti ugu baaqay in uu dulqaad badan sameeyo, isla markaana uu qaado talaabo kasta oo xal u noqon karta waxyaabaha dhibaatada kiciyey. “Dawladda Jabuuti waxan leeyahay, gaar ahaan madaxweynaha, dulqaad aad u badan baa lagaaga baahan yahay, u dulqaado waa dalkaagii waa dadkaagii ururi, haddii khalad dhaco hadday dawladdu saamaxdo oo ku fuliso, waa dadkeedii maaha taasi wax weyn ama dhibaato, markaa waxan leeyahay dawladda, xuquuqaha ha ilaaliso, wanaag haku8 xaliso.” Ayuu yidhi

 

 

Exit mobile version