BARDAALE(W,N);-Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya ka dhacay shil diyaaradeed oo sababay dhimashada lix Qof oo saarnaa diyaaradda African Airways oo sida la sheegay halkaasi gaadhsiisay Dawooyin Iyo Agab Caafimaad oo loogu talogalay shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Hadaba waxa ay warar is khilaafsan kasoo baxeen sababta shilka ku yimid diyaaradda sheegayaan,
Sida ay xqiijiyeen madax ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan u helno xog sugan oo ku saabsan shilkaasi.
Mid kamid ah saraakiisha sar-sare ee Koonfur Galbeed oo codsaday in aanan magaciisa la sheegay sababo la xidhiidha arimaha la xidhiidha Amaankiisa iyo in aanu udmanayn in uu warbaahinta xog la wadaago ayaa sheegay in shilku ahaa gantaal lala beegsaday diyaaradda.
“‘Inkastoo ay baadhitaanno socdaan oo ayadoo faahfaahsan warbaahinta kala wadaagi doono haddana xogta aan heleeyno 90% waa in ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka in ay gantaal ku dhufteen diyaaradda,” ayuu sargaalkan sheegay.
Sidoo kale Mar la weeydiiyay sababta ay arrintaasi ku dhacday, ayuu sheegay in ilaa hadda aysan garanayn, balse baadhitaanka kadib la ogaan doono.
Ciidamada Amisom ee Howlgala Somaliya oo ay qeyb ka yihiin ciidanka Itoobiya iyo Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya weli kama hadlin arrintan.
WAJAALENEWEWS DESK