Intaanan u guda-galin faa,iidada iyo macnaha uu samaynayo Mashruucu aan horta cilmiyan isla meel dhigno, ( Original Name):Mashruuca tog-wajaale, (Geographical location): Gabiley, W-galbeed, Somalia, East-afica, Africa.( Geographical Coordination)= 9” 37,(o) north, 43”27”(o) east. Ha layga raali Ahaado hadii soomaaliya iyo waxyaalahaasi lagu arko waa sidey (World Stallite Saverka) Uu ugu jiro, dhinaca kale mashruucu dhul ahaan waa Flat area ku haboon (Extensive Farmingka) ama godaalka fidsan wax la yidhaahdo, Bad ahaana waa (220 hk) cabir qodaaleedka.
Dhulkan masnada ah Ee rabbi ku manaystey gobalka gabiley isla markaana noqon lahaa hadii muruq iyo maskax la galiyo xarun ka mid ah xarumaha laga quudiyo Mandaqada geeska-afrika, Wax soo saarkeeduna uu ku haqbtiro bulshada reer Somaliland ee aadka ugu baahan kaalintaa wax soo saarka yadoo uga faa,iidaysan kara waxyaabo fara badan oo ay ka mid tahay Quudinta dan-yarta, Gurmadka abaaraha, Taakulayta Jaararkeena liita, Iyo Barnaamijyo khayr inoogu filan.
Qorshayaasha dhaw ee qaranka hadii lagu darsado sidii loo maal-galin lahaa mashruucaasi waxa marag ma doona inaan noqon karno dal maal iyo mulkiyad leh oo soo gala shaashadaha umada kor u socota, taasi oo lagu qadariyo wadamada iskood isku xilqaamey waliba wax loogu daro si ay taam uga dhigaan himilada ay hiigsanayaan, Xaqiiqatan horumarku wuxuu ku jiraa falashada dhulkaa mansada ah iyo wixii hadba laga goosto, Dunida maanta cida kaliya ee kaafiday baahiyaheedii een loogu tiitiidhabanayn gaajo iyo macaluul waa kaliyaata cidii wax soo saar leh.
Hadaynu ka istaagno dhanka guulaha wax soo saarka iyo qiimihiisa gaarka ah, maanta waxa dunida dhamaanteed dhaafiyey dawlada markaykan ee ka dhigey quwada caalamka (Global powerka) waxa la yidhaa waa wax soo saarka dalagyada faraha badan ee uu soo saaro ama sayladaha dunida ku soo daadiyo, tusaale ahaan maraykanku wuxuu (Commision of united state financeka) ama gunada dhaqaalaha qaramada midoobey bixiyaa 50%, intaana wuxuu kaga soo ceshadaa Cunnooyinka Iyo Dalagyada ugu Badan ee mucaawinada wuxuu ka iibiyaa 50% halkaasna waxa ugu jira faa,iido badan iyo magac badan waa sababta uu dunida ugu taliyo ee uu isugu arko inuu yahay dawlada caalamka Rabbibaa caalimee.
Markaa waxa ina da,a ah inaan quntiga dhiisha iskaga dhigno oon isticmaalo kart, aqoon, aragti-dheer, intaasi oo dhamaantood ku yagleeli lahayn sidaan dunida u gaadhi lahayn, tanina waxa inoo haysa inagoo meelo kale ka raadin libinteeda Inaan bilawno qorshihii lagu maal-galin lahaa mashruuca tog-wajaale oo ay waliba gacanta ku haynayso dawladu si ay meesha uga baxdo mad-madaw fara badan oo soo bixi lahaa, waliba ku darsoo loo horo hiil iyo dhabar-adayg dalagyada la beerayaana waa iney noqdaan kuwaan ugu isticmaalka badan nahay si inta saayidkaana aynu gayno sayladaha iyo suuqyada Africa Iyo Asiaba kuwii u baahan ee inta badan bilaa wax soo saarkaa runtii waa jaanis,
Maxay ka tarri karaan dhibaatooyinka dhaqaale ee Somaliland wax soo saarka mashrruucu?
Horta mida koowaade dalku wuxuu yeelan karaa badeecooyin uu dhoofiyo kuwaasi cashuur iyo macaash-macaashba wax wayn bay ka tarayaan dhaqaalaha, sidoo kale waxa ka soo baxaya jaanisyo camal oo bulshada u abuurmaya kuwaasina waxa ka mid ah gadiidleyda, ganacsatada, dad badan oo tabacii ay tabcadeen ka ganacsanaya, yadna waxaan meesha ka madhnayn shaqaale fara badan iyo malaayiin umada oo kula foofa mashruuca hawl-galkiisa.
Awood waxaan u yeelanaynaa inaynu joojino suuqyadii iyo bulshooyinkii inagu tashan jirey een ka dalban jirney badeecooyinka aan cunno, Ganacsatadeena waa weyn oo yaga lafkoodu sameeya ama ikhtiraaca warshado ileyn waxay heleen alaab caydhiin(Raw material) waxana suuragala in markaa la sameeyo alaabo warshadeysan kuwaasoo isugu jiri doona laftarkoodu qaar la dhoofiyo qaar aan dalka ku dhex isticmaalno, Warshadahaasina waxay kor u soo qaadi lahaayeen nolosha umada iyo heerka dalka laftiisa, Waayo waxa kuugu filan tusaale haddii bartaa mashruucu ku yaalo laga yagleelo warshado kala ah tii baastada iyo tii daqiiqda, dabadeedna dalaga laga sameynayo looga beero mashruuca, waxay noqon lahayd jaaniskii koowaad ee waxtar hor leh ka noqon lahaa dhaqaalaha Jamhuuriyada S/land.
W/Q: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto
Diplomatic Analysts
Gabiley:Somaliland.