WAJAALE NEWS

Ma Ku Tusaa Siilanyo Ma Kuu Tilmaamaa”Afkii Beenta Sheegi Jiray Run Ma Garanayaa Hada”Qaybtii 1aad

Ma Ku Tusaa Siilanyo Ma Kuu Tilmaamaa”Afkii Beenta Sheegi Jiray Run Ma Garanayaa Hada”
siilaanyo waa madaxweynaha isaga mooyee dadka kale yihiin qaar aan waxba garanayn una haysta dad ka hooseeya waana kuwii uu shalay dhex ordayay isagoo afka jeelku kaga wareegsan yahay
siilaanyo waa madaxweynaha caruur mudaharaadaysa ciidanka u diray ee rasaas ay ku xasuuqeen kaba sii darane waa ninka aan xataa tacsiyadayn odhana waan ka xumahay sidii riyaale
siilaanyo waa ninka keliya ee yaqaana siyaasada gurintirka ah waxaana kuu cadaynaysa sida uu u baabiyay xisbigii udub ee sideeda sano uu u cadhaysnaa
siilaanyo waa madaxweynaha keliya ee somaliland soo mara isla markaana aan ogolayn in la mucaarido oo runta loo sheego saa waxaabuu ka didayaa golaha wada tashiga ee la magcaabay
siilaanyo waa madaxweynaha keliya ee soo maray somaliland ee golayaashii shacabku doorteen hoos keenay madaxtooyada waana tii uu ku maagi jiray riyaale waagii uu haraadanaa
siilaanyo waa madaxweynaha  qofkasta oo dhaliila mid mudan iyo mid kaleba u yaqaana in lasoo diray oo laga danbeeyo
siilaanyo waa ninka cali xoorxoor buugiisa cagaarnaa ku darsaday kuna haystay lacagta dekeda ayuu geeyaa madaxtooyada markii uu xilka qabtayna magcaabay si uu lacagta u keeno madaxtooyada
siilaanyo waa ninka keliya ee aan rabin inay shacabku hadal hayaan isaga kuna mashquuliya marba meel kaasoo ku jaha habaabiya DAGAALO,ABAARO,SHIRAR,KORMEERO.MURAN SHIDAAL,ISKU SHAANDHAYN GOLIHIISA WASIIRADA IYO SAFARO TAMASHLEYN AH
siilaanyo waa ninka hadaad subag siiso sun ku siinaya hadaad sun siisana subag ku siinaya waxaana laga garan karaa golaha xukuumadiisa cida haysa inay yihiin ragaii necbaa isaga halka saaxiibadii uu aakhiro u diray axmaqnimadiisa iyo
siilaanyo waa ninka marka uu khudbadaynayo ama uu ka hadlayo shirarka caalamka waraaqda sidii indhoolaha  u akhrinaya ee aan madaxa qaadayn weliba ku darsoo waa waraaq loo soo qoray xiligii uu oomanaana waraaqoba muu haleeline waa duryami jiray taasina waxay ku tusaysaa inuu asaasaqay
siilaanyo waa afkii beenta sheegi jiray tolow goormuu runta garanayaa isagoo odhan jiray”WALAALAYAAL DAAHIR RIYAALE WAA INA BAABIYAY WALAALAYAAL DALKU DIB U XORAYN AYUU U BAAHAN YAHAY”walaalayaal’walaalayaal’walaalayaal
siilaanyo waa nin cadceed ka daba tagay isagana waxa ka daba tagay gudcur laba daryaale ah kaasi oo ah isla markaana noqonaysa xukuumadiisa mid aan la mahadin doonin,kaasi oo reebi doona utuno,isneceyb iyo kala fogaynta shacabka somaliland
siilaanyo waa ninka riyaale kaga tegay dal iyo dad isku duuban kadibna kala firdhiyay,kala qobqobay,isku diray isla markaana reerba meel kasoo jeediya
siilaanyo waa ninka wasiirkii arimaha dibada somaliland ee dowladii riyaale cabdilaahi maxamed ducaale ee difaacayay markii la diiday inuu garoonka kasoo dago ugu badalay wax kale iska daaye inuu gurigii ka saaro halka ay ka gaadhay saqajaanimadu
siilaanyo waa ninka shacabka somaliland muxaafid iyo mucaaridba la hadli kari la’ isla markaana samaystay gidaar uu isaga dhigo kaasi oo ah xirsi x xasan dulqaad yariidusana gaadhay inuu saqbadhka hurdada kasoo tooso oo uf iyo akh gura isagoo siyaasi u jawaaabaya hoonku intaas kaga dhegay ee wax kale garan waayay taasi oo noqonaysa shimbiri maalibay dab qaadoo aqalay gubtay
Mohammed Aden Dirir
Somdailynews.com
Hargaysa Somaliland

Exit mobile version