WAJAALE NEWS

Roobab Xalaadle Oo Galabta Ka Da,ay Magaalada Hargaysa Iyo Khasaaraha Sedex Qof Oo Uu Sobobay Dhimashadooda.

HARGAYSA(W,N)-Roobab  xalaadle oo galabta ka da,ay magaalada hargaysa  kaasi oo watay dabaylo iyo dhagxaan ayaa wararka hordhaca ah ee laga helaya waxay sheegeen in uu sobobay khasaare dhimasho iyo mid hantiyeedba leh.

Alle ha unaxariistee laba qof ayaa ku geeriyooday mgaalada hargaysa kadib gaadhi ay saareen markii uu qaaday daad xoogan oo kasoo rog maday dooxa hargaysa agagaarka saldhiga new hargaysa /

Labada marxuum ee uu daadku qaaday ayaa watay gaadhi haayadeed kuwaasi oo labadu rag ahaayeen.

Dhanka kale hal qof ayaa ku geeridooday xadhig laydh oo qabtay magaalada kaasi oo ay soo rideen xadhkahan roobabkii galabta da,ay

WIXII WAR AH EE KASOO KORDHA KHASAARAHA AY SOBOBEEN ROOBABKII GALABTA KA DA,AY MAGAALADA HARGAYSA KALA SOCO WARARKEENA DANBE

 

Exit mobile version