WAJAALE NEWS

Prof Ibraahim Meecaad Oo Taageeray Hadalkii Kasoo Yeedhay Madax-Dhaqameedka Gobolka Gabiley, Fariina Udiray Xukuumada Iyo Cidkasta Oo Ka Hortimaada.

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo kamid ah Aqoonyahan Reer somaliland Ee ku Dhaqan Dalka Canada, kana Mid Siyaasiyiinka Kasoo jeeda gobolka gabiley Ee hormuudka u ahaa  Halgankii Qadhaadhaa Ee lagu Xoreeyey Gayiga Somaliland Ayaa ka hadlay qadiyada ka Tagaan Gobolka gabiley Isagoo Soo Dhaweeyay Hadalkii kasoo yeedhay Madaxdhaqameedka Gobolka gabiley iyo maamulka dawlada hoose Ee gGabiley oo iyagu si adag uga horyimid raashin faro Guudkood ah oo gudida heer qaran ee coronavirus Uqoondaysay shacabka gobolka gabiley.

Sidoo kale Prof Ibraahim meecaad ayaa fariin adag udiray shakhsiyaadka reer gabiley ee ka daba hadlay odoyaasha dhaqan gobolka gabiley oo iyagu shacabka matala

Dhanka kale prof ibraahim ayaa dhaliilay xukuumada madaxwayne isagoo sheegay in xubnaha reer gabiley ee xukumada ku jiraa aanay ka hadli Karin qadiyada shacabka reer gabiley ka hadlayaan.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version