WAJAALE NEWS

Midkamid Ah Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Hadlay Warqad Dacwad Ah Oo Uu Ka Gudbiyay Agaasime Xergeeye.

“Waxaan Leeyahay Arrintaas Uu Sheegay Agaasimaha Guud Waa Been Abuur Weyn, In Aan Madaxweynaha Aan Maalin Iyo Habeenba Aflagaadeeyo”Maxamed faarax.

HARGAYSA(W,N)-Dr Maxamed Faarax qoti oo kamid ah shaqaalaha wasaarada caafimaadka Somaliland mudo dheer ka hawlgalayay wasaarada caafimaadka jsl  ayaa ka hadlay warqad dacwad ah oo agaasimaha guud ee wasaarada caafimadku uga gudbiyay haayada shaqaalaha dawlada.

Sidoo kale maxamed faarax ayaa sicad iskaga fogeeyay eedaymaha agaasime xergeeye ku dacweeyay oo uu ku tilmaamay in uu wanjal ku sameeyay islamarkaana aanay jirin dhaliilo uu madaxwaynaha Somaliland kaga baahiyay baraha bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa sida ku cad qoraal uu ugudbiyay haayada shaqaalaha muwaadin katirsan shaqaalaha wasaarada caafimaadka ku eedeeyay in uu madaxwaynaha ka baahiyay qoraal uu ku fadeexadaynayo hawlaha qaranka ee wasaaradu wado.

Halkan ka Akhri Qoraal uu Maxamed faarax Qoti kaga Jawaabay Dacwada Uu Agaasimaha Guud ka Gudbiyay;

Alle Ha Caafiyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Sida ku cad warqadan uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ku socotay Guddoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dowlada ee ka soo baxay xafiiska Agaasimaha guud taariikhdu markay ahayd Bishii Afaraad ee shanteedii sannadkan 2020, ee ay u jeedadeedu ahayd Anshax marin.

Warqadaas waxay ahayd eedeyn uu igu duraayey in aan ku weeraro dacaayado iyo fadeexad aanan u kala aabo yeelin oo aan kala joogsi lahayn oo ku wajahan Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, kuna faafiyo Social Media siiba Face-buugaygan aflagaadadaas oo aan ku wiiqaayo geedi socodka shaqada qaranka.

Waxaan leeyahay arrintaas uu sheegay Agaasimaha Guud waa been abuur weyn in aan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aan maalin iyo habeenba Aflagaadeeyo Oo aan cay Ku baahiyo boggayga arrintaas waa qadaf, waxa uu doonayaa in uu isku kaayo diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Muuse Biixi Cabdi Alle Cimrigiisa ha dheereeyee.

Haddaba, sida ku cad Kitaabka Quraanka kariimka ee lagu soo dajiyey Nabi Muxamed (CSW) ee diinta furqaan, Alle (SW) waxa uu ku sheegay Kitaabka Quraanka in ay jiraan cuduro la’kala qaado oo ku dhaca wadnaha (Qalbiyada Aadamaha), waxaana lagu garan karaa dadka qaba cuduradaas astaamaha, sida, in aanu qofku muujisan karin diinta uu aaminsan yahay iyo qofka islaamka ee aanay wanaagsanayn hab-dhaqankiisu, kuwaasoo haddii aad hesho wax wanaagsan ka xumaanaya, haddii ay dhibaato kugu dhacdana kugu wiirsanaya, haddii uu hadlaayana been buu sheegayaa, marka uu doodayana baadil buu ku doodayaa, kumana samri karayaan dhibaatooyinka yaryar ee soo food saar noloshooda, waxna ma’bixiyaan, haddii ay wax bixinayaana way ku faannaan ama iyagoo karahsanaya ayey bixiyaan, waxay ku faanaan oo ay wax ku qiimeeyaan dadka iyo duunyada ay leeyihiin, waa kuwo sabool ka ah wadnaha “Qalbiga” oo ka qayb-gala marka la bixinaayo sakada ama sadaqada, haddii wax la siiyana way ku farxaan oo way amaanaan qofkii wax siiyey, haddii kalena, way caayaan, inta ay islaamaan ayey haddana dib u gaaloobaan, waxay is faraan xumaanta, wanaagana way isku diidaan, Qawl, ficil iyo Fikirba.

Waxa kale oo ka mid ah astaamahaas, dadka qaba cuduradaas in ay yihiin kuwo leh carabkoodu –dalab, oo dhaar-badan, cabsi-badan ka buuxdo, oo xan-badan, ya’boohooduna uu been yahay, markay dhaaranayaana been ku dhaarta, ballankana aan oofin, oo hayso kalsooni darro weyn, oo dhadhamo-raac, xaaraantana quuta, haddii aad aaminto way ku khiyaamaynayaan, waa kuwo bakhayl ah, oo ay u dheer tahay fulaynimo, dira-diraaleyn, dacaayad badan, aflagaado, cay, dheeldheel iyo Labac-labaclayn “Shakiga”,.

Waxaan leeyahay Alle (SW) ha caafiyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Qoraa; Maxamed Faarax Qoti

Exit mobile version