WAJAALE NEWS

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Oo Afka Ka Xidhay Ka Hadalka Xadhiga Gudoomiyihii Xisbiga Ee Gobolka Awdal Oo Mudo Xidhan Iyo Dareenada Ka Dhashay!

BOORAMA(W,N)-Maamulka gobolka Awdal Ayaa 30 Bisha afraad Sifo sharci baalmarsan  xabsiga ugu taxaabay Gudoomiyihii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan oo Mudo laba todobaad Ah ku xidhan xabsiga magaalada boorama  kaasi oo aan  wali la horkeeni maxkamada.

Hadaba bulshada ku dhaqan gobolka awdal iyo taageerayaasha xisbiga wadani ayaa iswaydiinaya sobobta xisbiga wadani uga hadli waayeen xadhiga Gudoomiyihii xisbiga ee gobolka awdal iyo sobobta ay afka uga xidheen Masuuliyiinta  xisbigu gabi ahaanba.

Masuuliyinta xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo iyagu maalmihii la soo dhaafay warbaahinta ka hadlayay una doodayay xubno kamid ah shakhsiyaad ay xkuumada xidhay ayaa marna aan soo hadal qaadin xadhiga gudoomiyaha xisbiga ee gobolka awdal taasi oo abuurtay dareeno kala duwan oo shacabka ku dhaqan gobolka awdal ay ka bixiyeen dareeno kala duwan  aamusnaanta masuuliyiinta  xisbigu ee xadhiga gudoomiye Maxamed Aadan suldaan oo mudadaa uu xidhnaa warbaahinta ay ka hadlayeen xaaskiisa iyo xubno haween ah oo ku ka liyaystay uhadalka masuulkan xisbigii uu katirsanaa ka aamuseen, udoodistiisa,

Aamusnaanta hogaanka xisbiga wadani ee la xidhiidha xadhiga gudoomiyaha ayaa dhanka kale walaac xoogan ku abuurtay taageerayaasha xisbiga wadani ee gobolka awdal oo ah isagu kamid ah gobolada uu uga taageerada badan yahay xisbiga mucaaridka ah ee wadani guud ahaan gobollada Somaliland/

Dadka sida dhow ula socda arimaha siyaasada Somaliland  ayaa aamusnaanta masuuliyiinta xisbiga ee xadhiga gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal ku macneeyay in ay tahay mid muujinaysa xisbigii wadani ee masuulka xidhani ka tirsanaa in  uu xadhigiisa kala mawqif noqday xukuumada xidhay masuulkani ayna tahay mid gudub ku ah siyaasada asxaabta islamarkaana  dareen cabsi leh ku abuuraysa taageerayaasha xisbiga iyo cidkasta oo reer awdal oo udhaq dhaqaaqda xoriyada shacabka kana soo horjeedsata falalka ay xukuumadu ka wado gobolka awdal oo mudooyinkii udanbeeyay ay xukuumada caadaysatay xadhiga shacabka iyo cidkasta oo kasoo horjeedsata

Talaabada ay masuuliyiinta xisbiga wadani kaga aamuseen xadhiga gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal ayaa laga yaabaa in ay dhaawac ku keento taageeradii xisbiga wadani ku lahaa gobolka awdal iyo kalsoonidii ay uhayeen shacabku xisbiga wadani.

Gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal ayaa xadhigiisa yimid kadib markii uu ka hadlay falal maayarka magaalada boorama uu ku xidh xidhay dad shacabka ah oo cabasho ka muujiyay dhul danguud ah oo xukuumada sifo sharci daro kaga rarayso iyo  weerar lagu qaaday guriga maayarka boorama oo gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal sheegay in maayarka isagu is weeraray balse aanay jirin dablay kusoo duushay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa talaabada ay masuuliyiinta xisbiga wadani kaga fal celiyaan dareenka shacabka gobolka awdal iyo dhaliilaha baahsan ee xisbiga kaga imanaya aamusnaanta ayka qaateen xadhiga gudoomiyaha xisbiga wadani ee gobolka awdal oo dhanka kale laga cabsi qabo in ay keento xadhigiisu isku dhac qabiil oo udhexeeya qoyska uu kasoo jeedo gudoomiye maxamed aadan suldaan iyo maayarka magaalada oo ay u arkaan in uu u adeegsanayo awoodii dawlada islamarkaana aanu jirin sharci ay ku kala baxaan oo ay ka filan karaan in uu cadaalad helo gudoomiyaha xisbiga wadani ee mudada 14 cisho ah xidhan walina aan la horkeenin haayadaha garsoorka ee gobolka.

WAJAALE DESK

BOORAMA OFFICE

Exit mobile version