WAJAALE NEWS

Madaxweyne Biixi Oo Farriin Hawada U Mariyay Nin Aanu Magacaabin Oo Ku Lug Leh Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaaliya.

Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay wuxuu khudbad u jeediyay shacabka Somaliland munaasibadda maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.

Madaxweyne Biixi, ayaa xaflad kooban oo lagu qabtay shalay madaxtooyada, wuxuu kaga hadlay xaaladaha maanta ee somaliland ee caafimaad, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni. Waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxuu hadalkiisa ku bilaabay

Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-kii May, Kuna beegan 25-kii Rammadaan, Ilaahay waxaynu ka baryeynaa in uu danbigeena dhaafo, inna-siiyana khayrka ay bishan barakaysani gaarka u leedahay, dalkeenuna uu noqdo mid barwaaqo, nabad-qab iyo caafimaad taam ah wada gaadho.

 

Exit mobile version