WAJAALE NEWS

DAAWO;-Abwaan Cabdi Cali Oo Dhaliilo Isbarkan Ujeediyay Gudida Covid19 Iyo Xukuumada Madaxwayne Biixi, Sheegayna In Aanay Reer Gabiley Dib Ugu Dul Qaadanaynin.

GABILEY(W,N)- Abwaan Cabdi Cali Xirsi oo kamid ah hal abuurka gobolka gabiley ayaa eedo culus ujeediyay gudida ka hortaga coronavirus ee xukuumada madaxwayne biixi oo qoondo raashin oo bulshada gobolka gabiley gafku ah sheegay in ay ugu tala galeen shacabka reer gabiley

Sidoo kale abwan cabdi cali ayaa shaaciyay sida reer gabiley ugu dulman yihiin waxqabadka xukuumada madaxwayne biixi dibna aanay ugu dul qaadanaynin ficilada ay kula kacayso iyo dhaliisha ay ku qabaan hayb ahaanta madaxwayne biixi oo bulshada kale ee reer Somaliland utiriyaan imaatiga kursiga madaxwaynenimo ee muuse biixi

Dhanka kale abwaan cabdi cali ayaa sugaan ku cabiray habdhaqanka xukuumada isagoo taageeray hadalkii kasoo yeedhay maayarka magaalada gabiley iyo madaxdhaqameedka gobolka gabiley.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Abwaan Cabdi Cali Xirsi Oo Si Kulul U Dhaliilay Gudiga Heer Qaran Ee Xanuunka COVID19

Exit mobile version