WAJAALE NEWS

“Caadifad Ama Laab La Kac, Waa Tii Markii Hore Lumisay Qaranimadadii Somaliland U Sugantay 26June 1960”Siyaasi Cali Guray.

JIIB NOOM TAANI;

Talo waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo. Wargeyskani waa markii Somaliland ay garan wayday ee diiday inay qaran madaxbanaan noqoto 1960kii. Markii ay fursaddaa lumisay waxa laga joogaa 60 sanadood. Tan iyo 1961kii markii uu fashilay inqilaabkii ay isku dayeen saraakiil ka soo jeeday Somaliland inay ku soo celiyaan qaranimadii ay Somaliland lumisay sanad ka hor ama kaba yar ilaa maantana way gaadhi la’dahay Somaliland inay si buuxda u soo ceshato qaranimadii ay sida fudud ku lumisay bulshada caalamkana ay ku qanciso. Markaa Somaliland malaha wax baa si ah oo u baahan in si run ah loo wajaho taladana dhinac kastaba wax laga eego loona kala mudnaan siiyo iyadoo loo kala qiimaynayo – in terms of their suitability, acceptability, feasibility and cost effectiveness- (qiimuhu maaha ka maadiga ah uun naf iyo maal ee wakhtiguna qiimihiisa ayuu leeyahay), Taasina waxay u baahan tahay marka hore furnaansho maskaxeed oo ka fog caadifiyad iyo laab la kac keliya. Caadifiyadda ama laab la kac marka aynu run ku wada hadlayno oo waa tii markii hore lumisay qaranimadadii Somaliland u sugantay 26June 1960 5 maalmood oo keliya ka dib 1dii July 1960, waana ta carqaladda ka dhigtay la soo noqoshafeedii (tan iyo 1991kii ) ee dunida cid garwaaqsatay jirin ilaa maanta in Somaliland ay hesho madaxbanaanideeda qaran ee ay xaqqa u leeyihiin dadka Somaliland hadii intooda badani ay isku raacsan yihiin bulshada caalamkuna ku qanacdo markhaatina looga dhigo ama ka noqoto. Ilaa halkaa la gaadhona Somaliland cid iska ictiraafi kartaa ma soo muuqato, waayo caalamku maaha jacayl iyo nacayb ee waa dano, ilaa haddana waxa badan inta ka soo horjeeda gooni-isu-taagga Somaliland ee u aragta in aanay dani ugu jirin ama danahoodiiba ay ka hor imanayso sida dunida carabta iyo Islaamka iyo xataa in badan oo Afrikan ah.

Hadaba lixdan sanadood ha is odhan dib u noqo oo buurtii aad dhaladeeda ka soo shalwatay dib u fano laga yaabaa in hadii aad 60 sanadood kaga soo daadegtay ay kugu qaadato 180 sanadood dib u fanashadeedo hadii aanad tab iyo xeel cusub la iman. Waana halka ay wax si ka yihiin ee ka qaldan Somaliland. Markaa JIIB NOOM TAANI.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

 

Exit mobile version