Hargeysa(W,N)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay in Islaamku inna faray raacitaanka talaabooyinka ka hortaga oo ah casharo aynu ku saxxayno dalkeena io dadkeena, ubadkeena iyo ehelkeenana muhiim u ah inaynu barno.
Khudbadii Jimcaha manta oo Sh Maxamed kaga hadlayy mowduuca ka hortaga ee diinta islaamku inna fartay ayuu sheegay in Ilaahay mudan yahay in laga qaato tilmaamaha iyo toosinta oo faa’iido u ah bani’aadamka dhamaantii, waxaanan khudbadan ku faahfaahin doonaa qeyb ka mid ah qodobo kitaabka iyo axaadiistu inna fareen oo ka hortaga la xidhiidha iyo sidii loo ilaashan lahaa caafimaadka dalka, dadka iyo nafta.
Maanta dunnidu axaad maqlaysaan cudurada noocan ah daawen uma hayno, ee ka hortag ha lagu dedaalo, haddaba Islaamku maxuu ka hortaga ka yidhi? Waa casharo runtii u baahan oo aynu ku saxxayno dalkeena iyo dadkeena, ubadkeena iyo ehelkeenana muhiim ah inaynu barno, si aynu uga helo ajar iyo amaan, horumar iyo caafimaad dhan walba.
Ka hortaga markuu Rasuulku CSW ka waramayey waxuu inna baray, si aynu jidhkeena, ruuxdeena u ilaashano iyo sidii aynu uga gaashaaman lahayn dadka hoose ee aynaan arkayn. Laba qiso ayaa wakhtigii Nebiga NNKH dhacay, mid waxay ku dhacday saxaabigii Abu Hurayra, midna saxaabigii Ubaya ibnu Kacab, qaarigii Nebiga NNKH. Markaynu soo gaabino, waxay sheegayaan labadaa qiso, labadaa asxaabi mid walba meeshii uu raashinka dhiganayey ee istoodhka u ahayd ayuu mid Jin ah soo weeraray, waxna ka xaday, saxaabi walba wuu qabtay Jinkii, waa laba wakhti oo kala gaar ah, waxuu saxaabadii ku yidhi jinkii isii daa aan kuu sheego wax daawo kaaga noqdee, weliba qisada Abu Hurayra, maxaa daawo ka ah inaanad ii iman? waxuu idhi JInkii Aayatul Kursiga akhriso, markaa ka hortaga jinka iyo dhibkiisa waxaa daawo u ah akhriska Aayatul Kursiga.
Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis kale oo Tarmiidi werinayo oo (Xassan ah), “Qofku haduu aroortii iyo galabtii akhriyo suurada Qul-walaha, Qulacuudu Birabil-Falaq iyo Qulacuudu Birabi-naas, mid walba saddex jeer, wax walba ka hortag way ugu filan tahay dhib uga iman lahaa.”
Waxa kaloo Nebigu NNKH inoo tilmaamay sida xadiiska Bukhaari iyo Muslim sheegayo “Qofkii akhriya labada aayadood ee u dambeeya suuratul AlBaqra habeenkii akhriya, wa ku filan yihiin”. Culimadu waxay sharxeen maxay labada aayadood kaga filan yihiin? Khalqiga Ilaahay SW abuuray waxii dhib kaga iman lahaa ayey kaga filan yihiin.
Waxa afaraad ee Nebigu NNKH inoo sheegay ka hortagana ka mid ah digriga “La Ilaha IIlallah, Waxdahu La Sharika Lahu, Lahul-Mulku Wa Lahul-Xamdu Wahuwa Calaa Kula Shay’I Qadiir” towxiidkaa qofkii boqol jeer akhriya ayuu Nebigu NNKH yidhi, axa badan ayuu tiriyey, kaasuu helayaa, dembi-dhaafkaa, waxuu raaciyey, waxay xijaab uga noqonaysaa sheydaanka maalintaa.
Waxa shanaad oo Nebigu NNKH xusay oo waxaabaha ka hortaga ka mid ah ducadan kooban innanu barano oo akhrisanno “Bismillahi lahi la yadurru ma’ ismihi shai’un fil-ardi wa-laa fil-samaa’i Wahuwa Samiicul Cadiim” marka magaca Ilaahay xijaab laga dhigto jin iyo insi wax kaaga imanaya ma jirto, qofkii aroortii iyo gelinka dambe akhriya wax dhibayaa ma jiro ayuu Nebigu NNKH yidhi, shey kastoo kaga iman lahaa jinka, insiga, bakhteeriyada, fayraska intaba Ilaahay SW ayaa ka difaacaya, ilayn isagaa abuuree.
Arrinka lixaad ee Nebigu NNKH inoo sheegayo waxa weeye digri kooban oo kaa hore ku dhow oo galabtii la akhriyo “Acuudu bi kalimaati laahi taamati min shari maa khalaq” waxaan Ilaahay kelimaadkiisa ka deyrtay sharka wax ala waxii uu abuuray, haduu intaa akhriyo ayuu Nebigu NNKH yidhi wax xumad ah kuma dhacdo habeenka, xanuun walba xumad ayuu leeyahay. Nin baa Nebiga NNKH ku yidhi bahal ayaa I qaniinay xumad adag I badday, waxuu Nebigu NNKH ku yidhi hadaad ducadaa “Acuudu bi kalimaati laahi …akhriyi lahayd, xawayaankaasi wax dhibaato (xumad) kuguma keeneen. Fayras baynu ka hadlaynaaye qaniinyadii bahalka hoose ayuu Ilaahay SW kaga jooiyey.
Arrinka todobaad ee ka hortaga Nebigu NNKH inna baray waxa ka mid ah in qofku marka subaxii waagu u bayo haduu helayo uu cunno timirta la yidhaahdo Cajwada (Waa timirta uu Nebigu CSW ku beeray Madiina, mid ka mid ah) todoba xabadood, maalinkaa suntan iyo sixirku waxba ma yeelaan, waa laba dariiqo oo dadka liita isticmaalaan.
Arrinka sideedaad ee Nebigu NNKH inoogu sheegay ka hortaga waxa ka mid ah is-dhowrida (Ximyada) iyo qofku inaanu noqon qmid hunguri weyn oo kakan oo nimcooyinka Ilaahay SW ku siiyey si wanaagsan oo miyir qabta aad u isticmaasho, sida aayada suuratul AlAcraaf tilmaamayso “Kuluu Washrabuu walaa tusrifuu” cunna oo caba, oo ha xadgudbina. Culimada caafimaadku waxay sheegeen in labadaa kelmadood uu ku jiro caafimaadka qofka iyo dadkuba. Cun oo ha xadgudbin, cab oo ha xadgudbin. Xadgudbku saddex nooc ayuu noqon karaa, iyadoo qofku aanu u baahan cunto uu caloosha ku rido, xadgudubka labaad wax aka mid ah qofku markuu wax cunno inaanu dibirin, markuu Nebigu NNKH tilmaamayey waxuu yidhi, qeyb raashinka ku rid, qeyb biyaha, qeybna neefsiga u daa, si aad u cibaadasan karto, u shaqeysan karto. Hadaad buuxiso qeybtii neefsashada wax kale kuuma banana inaad iifsato mooyee, ilayn waad dibirtee?
Marka dadku dibiradaa badiyaan waxa ku badanaya cudurada manta aad aduunka looga cabanayo ee aan dawada lahayn balse lala noolaado? Macaanka, kolostroolka, dhiig-karka, beer-subaga, waxaa faraha badan oo wakhtiyadan ummada aduunku ee dibiray ka cabanayaan ayaa ku dhaca.
Waxa ka hortaga ka mid ah caddayga, islaamku qofka waxuu farayaa nadaafad buuxda, Nebigu NNKH waxuu yidhi “Qofka Muuminku maba nijaasoobo.