Waxaynu maqalnaa dad Somaliland u dhashay oo uu caashaq Muqdisho hayo. Dadkaa oo nooc walba leh: siyaasiin, madax-dhaqameed iyo dhallinyaro. Dadkaas oo laakiin keli keli ah oo aan lahayn qorshe iyo wax ay ku midaysan yihiin. Laakiin mid walba dhiniciisa u ku jiro hunguri wayni, xurguf siyaasadeed ama guul darro mansab iyo dhaqaale oo ay dabada ka waddo dano shaqsiyeed.
Haddaba si aynu u fahanno sababta Koonfur oo dhan : yar iyo wayn, shicib iyo dawlad, sheekh iyo shariif ay qabaan inaan Somaliland marnaba ka gu’i karin Soomaaliya. Hadday dhexdooda xataa is dilayaan oo dagaallo sokeeye oo ba’ani u dhexeeyo, haddana qaddiyadda Somaliland way ka midaysan yihiin. Innagana (Somaliland) qaarkeen Muqdisho u hanqal taagayaan. Soomaaliya oo aan weli xataa nabad buuxda haysan.
Waa inaynu taariikhda dib ugu noqonnaa. Waxaynu fahmi cid walba dhaqankeeda siyaasadeed.
Soomaalidu 5 mandaqadood ayay ka degaan geeska Afrika. Mandaqad walba waxa masiirkeeda cayima qabiilka ugu wayn ama labada qabiil ee u wayn. Sargoyntan masiireed waa mid soo taxnayd tan iyo waqtigii gumaysiga iyo bixitaankiisii.
Aynu 5ta mid mid u faallayno:
1;Soomaali galbeed (ogaadenia) waxa ugu badan qabiilka Ogaadeen. Waqtiyadii u dhaxaysay 1945 – 1960 oo tusaale ahaan Isaaqa gobolkaa degaa u rabbaasayeen Soomaali wayn, waxay suldaanada Ogaadeen u tageen boqorkii Itoobiya Haile Sallaase waxayna u sheegeen inay ka mid yihiin dalwaynaha Itoobiya, kana mid ahaanayaan. Oo ay rabaan inay wax la qaybsadaan dadka Itoobiya. Haile Sallaase wuxuu ugu abaalguday in suldaan wal oo Ogaadeen tuuladiisii iyo degaankiisii gobol laga dhigo. Suldaankuna badhasaab ka noqdo, inankiisuna ku xigeen. Tani waxay keentay in dhammaan gobolada Soomaalida ee Itoobiya ay noqdaan gobollo Ogaadeen (marka gobol kaliya laga reebo oo koonfurta shishe ku yaal, xuduud la leh Kenya. Gobolkan oo la siiyey qabiilka Garre). Taariikhyannada Itoobiya waxay qoraan in xidhiidhkan suldaanada Ogaadeen bilaabmay waqtigii boqoraddii Itoobiya ee la odhan jiray zauditu (1916 – 1930).
Marka hadday xildhibaanno noqoto, hadday madax noqoto waxa laga soo baxaa gobollada. Ciddi gobol leh uum baa soo baxaysa. Waa ta dabadeedna dhulkii Soomaalida oo dhanba loo bixiyey Ogadenia. Dhulka Soomaalida 100kii sano ee u dambeeyey cid aan Ogaadeen ahayn wax lagama waydiiyo. Dadka kale ma tirsana. Waxana keenay aragti siyaasadeed oo dheer oo ay lahaayeen hoggaamiyayaasha dhaqan ee Ogaadeen iyo isku duubni dhexdooda ah.
2;Djibouti waxa la odhan jiray French-Somaliland waqtiyadii hore ee gumaysiga Faransiiska (1894 – 1967). Dadka ganacsatada ah, shaqaalaha iyo askarta Faransiiska iyo siyaasiintuba waxa u badnaa qabiilka Isaaqa. Hase yeeshee dadkan waxa galay iyagana cudurkii Somali-wayn ee hayay dadkii British- Somaliland degganaa (Isaaq). Dadkani waxay olole wayn arrintan u galeen foodkii 1967. Iyagoo dhammaantood u ordayay in Faransiisku ka baxo, si ay dabadeedna dalka Soomaaliya ugu biiraan. Iyadoo la ogaa xaaladdii Somaliland halkay ku dambaysay markay Soomaaliya ku biirtay, ayay haddana kuwana (Isaaqa Djibouti) u tafaxayteen oo ku xiiqeen siday Soomaaliya ugu biiri lahaayeen.
Dadka Ciise oo ka aragti dheeraa xagga siyaasadda waxay u ololeeyeen in Faransiiska loo footeeyo inuu sii joogo. Waqtigii xorriyad la helana Djibouti gooni isku taagto; hadda ogow Ciise wuxuu degaa Itoobiya (badankiisa), Somaliland iyo dabcan Djibouti. Kumay jirin caadifad ah qabiilkayagaan midaynaynaa oo Somali-wayn baan rabnaa. Waxay fahansanaayeen siyaasadda dunidu sida ay tahay iyo danaha ay quwadaha waawayni ka leeyihiin mandaqadda geeska Afrika.
Faransiiska oo saldhiggiisa milateri inuu abid ahaado Djibouti rabay, wuxuu Isaaqii ka nadiifiyey heerkii sare ee ay ku lahaayeen Djibouti, wuxuuna ku beddelay Ciise iyo Canfar, magicii dalkana eraygii Somali waa laga saaray, waxana loo bixiyey dalka Ciise iyo Canfar (Territoire Francais des Afar et des Issas).
Ilaa 1977 (xorriyaddii Djibouti) laga soo gaadho magacan cusub buu lahaa dalka Djibouti.
Markii gobonimada la siiyeyna waxa dawladdii loo qaybiyey Canfar iyo Ciise, dadka kalena ilaa maanta waa ku marti. Dastuurkaa lagu dhigay in madaxwaynuhu mar walba noqdo Ciise, raysalwaaasuruhana Canfar. Kuraasta baarlamaankana labadoodu si is leeg u qaybsadaan. Ciise wuxuu ku sadaqaystay Soomaalida kale, markii dambe hal wasiir oo Isaaq ah iyo mid Gadabuursi ah. Canfartuna hal wasiir ayay Yementa siiyeen.
Djibouti waxay noqotay meel saldhig u ah Ciise oo dhan oo ay u soo hijroodaan. Maanta waxay ka yihiin 80% Soomaalida Djibouti.
La soco qaybta 2aad, oo ku saabsan 3da hadhay.
Wa Billaahi tawfiiq,
Qalinkii; Amir Bidde