WAJAALE NEWS

Rabshado Caawa Ka Dhacay Magaalada Caynabo Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay.

CAYNABO(W,N)-Magaalada Caynabo Ee gobolka saraar ayaa Caawa fiidkii Waxaa ka dhacay Rabasho Sobobay Isku dhaca dad shacab ah iyo ciidanka booliska kaasi  Indhaawac soo gaadhay taliyaha ciidanka booliska iyo laba askari oo kamid ah ciidanka booliska ,

Isku dhacab ayaa ciidamada boolis adeegsadeen rasaas nool si ay shacabka isku soo baxay u kala eryaan.

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka saraar Xasan Ismaaciil Cagma Yare oo ku sugan magaalada burco ayaa faah faahin ka bixiyay sida wax udhaceen iyo dhaawac kasoo gaadhay waji halka  laba askari oo kale oo dhaawacyo fudud loo gaystay.

Taliyaha ayaa sheegay in ay rabshadahani ka dhasheen kadib markii dad iskugu yimid goob maqaaxiya ay ciidanku isku dayeen in ay kala dareeriyaan ay sobobtay isku dhacani shacabka iyo ciidanka boolisku.

HALKAN KA DAAWO MUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version