WAJAALE NEWS

Muj Cali Guray Oo Ka Waramay Qabashadii Cabdilaahi Askar Iyo Dhacdooyinka Dharaarihii Halganka!

“MAALINTAASIBA MAALIN BAAS BAY AHAYDE RAG BAA KU GUNTADAY!MUJ CALI GURAY.

“Maalintii La Qabtay AHN eh Cabdillahi Askar 9/4/1983kii bay Ahayd Baan filayaaye waxan joogay Hargeysa guri xaafadda Gol-janno ah ayaan degganaa. Maalmahaasi waxan ka soo noqday Muqdisho oo aan ku maqnaa muddo laba todobaad qiyaastii noqonaysay. Marka hore sida Muqdisho aan ku tegay lafteedu may ahayn caadi. Nin aanu saaxiib ahayn ayaa isaga oo Jabuuti ka soo noqday madaarka Hargeysa laga qabtay. Isla markiiba warkii ayaanu helay oo waxanu ogaanay in Cabdillahi Mahdi oo aanu isku Dhabargariir ahayn laga soo xidhay Madaarka markii uu ka soo degay dayuuradda. Cabdillahi wuxu ka mid ahaa dhalinyaradii aanu beryaahaa isugu badnayn ee maalin keliya aanaan kala maqnaan jirin oo haddii aanaan laba gelinba wada joogin kolay gelinka dambe isku majliska ahayn oo waxanu wada fadhiisan jirnay mafrash ka keliya ee ka sii furnaa majlisyadii ay fadhiisan jireen dhalinyaradii UFFO qaarkood iyo saaxiibadoodii ka badbaaday xadhiga. Guriga waxa ila deganaa Cali Sheekh Cumar Askar (Cali jawhar) oo Muqdisho ka soo guuray. Maalintaa la xidhay Cabdillahi ayaa subaxnimadii dambe aniga iyo Cali jawhar oo wada socona oo marayna xafiiskii Somali Airline hortiisa oo xadhiggii Cabdillahi Mahdi hadalhayna ayuun buu Cali jawhar mar keliya istaagay oo yidhi “ waar nimankan waynu naqaan xadhigu Cabdillahi kuma koobna cid gaar ah oo ay doonayaanna ma jirto ee waa sidoodii intii ishoodu ay ku dhacdo eh inta ay qabqabashadu socoto Muqdisho aynu gaadhno”. Aniga oon u jawaabin ayaa ku leexday xafiiskii Somali Airline oon idhi “laba tigidh noo goo”. Farta ayaa lanaga saaray. Intoonu ka sii quraacanay Union Hotel ayaanu tagsi hortiisa taagna gundhada jarnay ilaa madaarka. Sidaa ayaanu Muqdisho ku tagnay.

Wallee sadex ama afar maalmood markii aanu Muqdisho joognay ayaa 50 Isaaq ah oo isugu jiray ganacsato iyo shaqaale dawladeed xabsiga dhexe ee Muqdisho lagu soo cayuuqay. Maxaa hebel ah maxaa hebel kale ah.

Dhawr maalmood ka dib ayuu hadana Cali jawhar yidhi “waar intaasay qabqabashadu ahayd aynu ku noqono Hargeysa. Anna waxan ugu jawaabay “waar isku halayn mayno oo xaaladdu si ay tahay garanmayno eh bal adigu iga dambee aan anigu horta tago oo kaa sii horeeyo eh. Sidii baanu ku heshiinay oo subaxdii dambeba anigu Hargeysa ka soo degay. Intaan ka sii qadeeyay Union Hoteelka oo ninkii haystay ku jiray maxaabiistii Xamar la noogu keenay ayaan toos u abaaray Mafrashkayagii Dhabargariir. Markaan qolkii la fadhiisan jiray oo ka soke ahaa albaabka istaagay waxan gartay in xaaladdu aanay caadi ahayn. Sanqadhi ma jirto waa madow oo daqadii yarayd ee debadda oo iftiinku ka soo gelayayna way xidhan tahay. Waxa isha ku dhuftay garaabadii jaadka oo qalashay oo xaga ugu soo horeysa tuulnayd. Anigoo yaabban oo fiyaaradda albaabka aan dhaafin ayuu qof ka dhawaaqay gudaha hore. Codkii baan gartay oo wuxu ahaa Cali Xasan Roodhiile. Anigu ma arkayo isaguse wuu i arkayaa. Wuxu ka bilaabay isagoo aan salaamu calaykum iyo waar Cali toona i odhan:

Axmed Yare dharaartay qabteen dhalasho waa hiile

Reer Dhabargariir waatii ay kala dhaqaaqeene

Raggii sahayda dhaansaday la sheeg inaanay dheerayn

Dhoombirkay la soo yuururaan dhinacshigii hawde

Dhalfo iyo dhalfay taagan tahay yaa dhikilo wayne

Dhedigaade maantaba kuwii lagu dhaqaajaaye. Waar soo soco waa keligay eh.

Markiiba waan fahmay in ragga aan tebayaa markii qabqabashadu bilaabantay intii aan gacanta lagu dhigin ayaa dhaqaajiyeen xadkana ka gudbeen qaaxo iyo SNMna haybsadeen, marka laga reebo midmid Berbera ama Burco u goostay mooyaane, iyo Cali-banfas oo isaga xabsugu nacay oo ka-bax ahaa.

Malaha laba sedex cisho markii aan Hargeysa joogay mashaariic gaar ah oo markii aan shaqada dawladda ka tegay sanad ku dhawaad horteedna maanka ku hayo oo aan Berbera ka soo noqday ayaa markii aan Hargeysa soo galay subaxdiiba warkii qabashada Cabdillahi Askar la igu taabtay intii aanan gaadhin Union Hotelka oo aan doonayay in aan ka qureecdo. Ninka ii sheegay ma garanayn magaca ee wuxu yidhi “kornayl reer gadiid ah oo SNM ah ayaa xalay la qabtay. Hadalkii ugu horeeyay ee iga soo baxaa wuxu noqday “ah wallahi ayaa dhintay baan ka jeclaa” anigoo ismaan rogay oo ka naxay maaha Cabdillahi iyo qabashadiisa eh farxadda iyo guusha ay tirsanayaan cadowgiisa uu u gacangalay.

Muj cali maxamed Yuusuf “Cali Guray”

La soco qaybta dambe

Exit mobile version