WAJAALE NEWS

Aawey Lacagtii Madaxweynuhu Keydiyay Laba Sanno Iyo Dheeraadka, Malaga Soo Iibin Kari Waayay Mishiinka Lagu Baadho Xanuunka Covid2019?Faallo.

Hargeysa(W,N)Guud  Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Waxa Ay Si Aad ah u hadalhayeen Bilowgii ilaa iyo Wakhtiga maanta La joogo oo ay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Talada Dalkan Somalilad gacanta ku hayso in dhaqaale badan Oo kharashaad iyo Arimo kale ku bixi jirey Guud ahaanba la Xadidey, Sidaa daraadeedna ay Noqotay Mid u Kaydsantay Qaranka oo Ku Talagalkeeda Loo dhigtay in ay Xukuumaddu ku Daboosho Marka loo baahdo ee ay lasoo Darsaan Dhibaatooyin Aan looga maarmi Karin.

Waxaa Maalmahan si aad ah loo hadalhayay Tan iyo Intii ka Dambaysay Kulankii Shirkadaha Qaadka iyo Gudida Ka Hortaga Xukuumada ee Xanuunkan Covid2019kii in Baahi Weyn loo Qabo Mushiinka Sheybaadhka Dhiiga iyo Candhuufta ee Cudurka Coronavirus Arintaasi oo dareenkeedu dhashey in Sheybaadh Dibadeed loo Direy Dadkii Looga Shakiyay Xanuunka.

Haddaba Waxaa ka Dhashey Laba Su,aalood oo Muhiim ah Kuwaas oo kala ah Marba haddii Dhiiga iyo Dheecaanka Loo Dirayo Dalka dibadiisa miyaanay dhibaato inaku aheyn in la hello Xaqiiqda dhabta ah ee Muwaadinka Xanuunkan Qaba ama Qofka ajaanibka ah ee Xanuunkan Qabba? Waa Imisa Qiimaha Sheybaadhka Xanuunka Cronavirus ee dhiiga Qofka lagu baadhayo ama dheecaanadiisa kale?

Inkastoo uu jirro Dareenka ku Sahabsan in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi hogaaminayo ay Beesha Dunida ee Xanuunkani aafeeyay iyo Hay,adda Caafimaadka WHO u muuqato mid ka quudaranaysa in Wixii Alle uga Qorey ay Ka laacdo Kharashaadka Malaayiinta Doolar lagu Sheegay ee Xanuunkan iyo dhaq dhaqaajintiisa,kaasi oo sidii shalay ay sheegeen wasiiro xukuumada katirsan in haayada Who soo gaadhsiisay mishiinka lagu shaybaado Xanuunka coronavirus oo ay hore uga dhawaajiyeen gudida kahortagu in ay ka xukuumad ahaan soo iibsanayaan mishiinkan, balse xaqiiqadu aanay sidaa noqonin

haddaba Shacabka Somaliland Waxey Siweyn isu Weydiinayaan hadiiba Masiibada Xanuunkani yahey Mid aafo-qaran ah miyaanay ka Haboonayn Beesha Caalamka hortii in Lacagtii loo Keydiyay Qaranka laga Soo siiyo Mushiinkan Sheybaadhka Dhiiga iyo Dheecaanka ah oo Faraxalka iyo Afduubkaba laga Horeysiiyo hadaanay  lacagtaasi jirin oo hawlo kale lagu Qabsadeyna Madaxweynuhu Haka qanciyo Shacabkan Ka Gaws qabsadey ee  Isweydiinaya in Lacag la Keydiyay iyo in Ay si kale U baxdey.

WAJAALENEWS DESK

FAALLO;

Exit mobile version