NAIROBI(W,N)-Wafti Balaadhan oo ka socda xukuumada Somaliland Ayaa Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya kaga qeyb galay shir balaadhan oo lagaga had layay Muhiimada Ay leedahay In qaarada afrika isku Furato ganacsiga Iyo suuqyada oo ay soo qaban qaabisay hay’ada East African Commission for Africa ”
Waxaana shirkan uga qeyb galay Somaliland Wasiirada wasaaradaha Maaliyada , Gaadiidka , Ganacsiga , Gudoomiyaha rugta ganacsiga , gudoomiyaha hay’ada dhawrista tayada , iyo safiir xigeenka Somaliland Ee Dalka Kenya.
Waxaana shirkan ka soo qayb galay dalal badan oo kamid ah qaarada Afrika kaas oo lagu lafa guray fursadaha shaqo abuur, dhaqaale iyo horumar ee ku jira in qaaradu si habsami ah u wada shaqaysato.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE