LAASCANOOD(W,N)- Waxaa caawa magaalo madaxda gobolka sool ee laascanood lagu dilay alle ha unaxariistee taliyihii ciidanka sirdoonka somaliland ee gobolka sool Marxuum Cabdi qani Guhaad oo dablay hubaysani ku dileen caawa gudaha magaalada laascanood.
Taliyaha la dilay oo u geeriyooday rasaas ay ku rideen dablaydani ayaa la sheegay in uu gacanta ku hayay kiiska gudoomiyihii maxkamada gobolka sool oo dhawaan qarax gaadhigiisa lagu xidhay lagu dilay kaasi oo ilaa hada xukuumada somaliland aanay wax faah faahin ka bixin dilkaa hore, Iyo kan caawa lau dilay taliyihii ciidanka sirdoonka ee isla gobolka sool.
Sidoo kale cisbitaalka magaalada laasacanood ayaa xaaladiisu aad u cakiran tahay kadib markii ay kusoo xoobeen kumanaan kamid shacabka ku dhaqan magaalada laascanood oo ka gadoodsan dilka taliyaha ciidanka sirdoonka ee gobolka sool.
HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;
https://youtu.be/j00W_jH5Wgg