WAJAALE NEWS

DAAWO;-Ugaas Cabdirsaaq Oo Madaxwaynaha Jsl Ku Eedeeyay Mooshinkii Golaha Wakiiladu Ku Laaleen Heshiishkii Shirkada Somcable,

HARGAYSA(W,N)-Ugaas Cabdiraaq Koosaar Cali Oo kamid ah madaxdhaqameedka somaliland gaar ahaan beesha sacad muuse ayaa wax laga xumaado ku tilaamay mooshinkii golaha wakiiladu ay ku laaleen heshiishka shirkada somcable oo  ay ka gole ahaan hore u meel mariyeen

Ugaas cabdirasaaq ayaa madaxwayne biixi ku eedeeyay in uu isagu ka danbeeyay mooshinkaasi isagoo sheegay in aanu golaha marin wax aanay madaxtooyadu doonayay

Sidoo kale ugaaska ayaa sheegay in ganacsade maxamed aw siciid oo kamid yahay muwaadiniinta reer somaliland ee dalka maalgashiga balaadhan ku sameeyay xukuumada iyo qarankana ay ceeb ku tahay jabinta heshiishkii lalal galay somcable

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/MgJ2TOR49mw

Exit mobile version