ADIS ABABA(W,N)- Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu Hogaamaniyay ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda Dalka Itoobiya ee Adis Ababa Waxaana weftiga halkaasi ku Soo dhaweeyey wasiirul dawlaha arrimaha dibeda dalka Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal,
Waftiga madaxwaynaha jsl ayaa waxay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.
Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi.