WAJAALE NEWS

Xildhibaanad Ka Socota Dalka Finland oo Booqatay Maktabada Gabiley

Gabiley (WJN)- Rooda Cabdi Xasan oo ka mid ah Qurba joogta reer Somaliland ee ka tirsan Xildhibaanada dalka Finland ayaa waxaa ay maanta booqatay Maktabada qaran ee laga hir gelinayo magaalada Gabiley.

Kormeerka Xildhibaanad Rooda waxaa ku wehelinayay Maayirka magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar iyo Xildhibaanad Cibaado Maax Cilmi oo ka mid ah gudida gacanta ku haysa dhismaha Maktabada Gabiley.

Dhinaca kale, Xildhibaan Rooda Cabdi Xasan ayaa waxa ay Maktabada Gabiley ku wareejisay qalab kala duwan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

Exit mobile version