WAJAALE NEWS

Maxaad Kala Socotaa Xaalada Cisbitaalka Magaalada Tog Wajaale Iyo Xogaha Qorsoon Ee Ka Jira?

Waxa Aan Maqaalkan idinkula wadaagi doonnaa xog-dahsoon lana deday,muddo bandanna la huursanayey, lana diiday in laga garaabo taas oo ah dhacdada rasmiga ah ee ka jirta Cusbitaalka guud ee Magaalada Tog-wajaale.

Waxaan halkan ku gorfayn doonnaa xogta rasmiga ah ee a dhex socota Cusbitaalka Guud ee Wajaale.

Waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa xog  aan ka helay dad aad iyo aad ugu dhuun daloola xaalada ka aloosan Cusbitaalka Wajaale.

Qormadani baadhitaanka iyo xog soo bandhigga ahi waa  xaqiiqo raadis  sahlaysaa  in qofkasta oo akhrista ahi in uu xogtan isku dayo inuu  hufan oo waddaniyad leh u dhugto isuna dayo in uu iskii baadhitaan iyo kuur galid madax bannaan sameeyo, sida oo kalen uu si  maskax furan iyo indho caafimaad qaba ku  eego xogtan iyo xaqiiqo raadiskan oo ay igu kaliftay dareenka bulshada ay ka qabto .Dad badan ayaa laga yaabaa inay u qaataan arrintani inay tahay ceebayn ama af lagaadayn loo gaysanayo ashkhaash gaar ah, hase ahaatee arintaydu waxay iga tahay xaq raadis iyo in aan bulshada la wadaago waxyaabaha ka jira cusbitaalka Tog-wajaale oo aan u shaqayn sidii laga filayey baahiyihii bulsho weynta wajaale ku noolna ka gaabiyey taasi oo aanay sababin awood la’aan shaqeed balse dayac maamul sababay baa igu kaliftay in aan soo bandhigo xaqiiqada ka jirta Cusbitaalka .

Qofkasta oo raba inuu hawshaas gunteeda u dhaadhaco waxaa aan kula talin lahaa inuu saacado kooban ah ku qaato cusbitaalka waxna ka waydiiyo ciddii uu u arko inuu xog ka heli karo.

Dhanka Shaqaalaha
– Fursada shaqo ee Haayadi ku deeqdo Cusbitaalka Wajaale, shaqaalaha cusbitaalku waxa dhacda in  aanay u kala helin shaqaaluhu sidii ay ugu soo kala horeeyeen ka shaqaynta cusbitaalka ee is garasho iyo is garabsiin bay ku kala hor maraan,tanina waxay kamid tahay caddaalad darooyinka xaqiiqada ah eek a jirta cusbitaalka

-;In shaqaalaha qaar ka mid ahi aanay wali dhammaysan waxbarashadoodii  rasmiga ahayd loogana Baahnaa ee la xidhiidhaysa xirfadda ay ku shaqaynayaan bulshadana ugu Adeegayaan.
-;Waxa jirta oo xaqiiq ah In shaqaalaha qaar ay yihiin kuwo aan soo baran wax la xidhiidha mihnada caafimaadka ee mudanta ahayd.
-;Cusbitaalka waxa ka jirta In mushaharaadkooda laga jaro lacag xadigeedu badan yahay raalina aanay badankoodu ka ahayn hase ahaatee lagu qasbay inay jaraan iyada oo lagaga faa’iidaysanayo baahiyaha shaqo la’aanneed ee dalka ka jirta, isla markaana ay u jaraan shaqaalaha aan meel ku tiirsanayn ee ka hawl gala cusbitaalka.

Shaqaalaha aan meelna mushahar ka qaadan ayaa  ay  tiradoodu dhan tahay  8 qof, oo kala ah:

laba waashmaan oo lacagtoodu tahay midkiiba 80 Dollar oo noqonaysa 160 Dollar.

 Laba dirawal oo wada Umbalance ka cusbitaalka oo lacagtoodu tahay midkiiba 100 Dollar oo noqonaysa 200 Dollar.

Laba shaqaale caafimaad oo midkiiba qaato 200 Dollar oo noqonaysa 400 Dollar. Gabadha cuntada karisa oo iyana leh 100 Dollar iyo mid ka mida shaqaalaha qaybta nadaafada oo iyadana leh 80 Dollar.

Wadarta xisaabtu waa 940 Dollar.

Intaas markaan halkaas ku dhaafo waxaan iyana idinla wadaagi doonaa cidda hawsha lacag jarista loo xilsaaray oo iska indho tirtay xaqiiqada ay rabaan dadka lacagta jarayaa in loogaga jaro.

Waa maxay xaqiiqadu?????

Xaqiiqadu waxay tahay Cusbitaalka guud ee wajaale waxaaa lacag ku bixiya( fund) Afar HAAYADOOD oo kala ah:-

1;AMPPCAN-SOM oo mushahar siisa 13 qof, waxaa 13 kaas qaata lacag ka badan 200 Dollar 6 qof, taasi oo banaynaysa siduu dhigayo xeerka is af-garashada ee Cusbitaalka laga hirggaliyay inay jaraan wixii dheer 200. Tusaale ahaan haduu yahay mushaharka qofku 350 Dollar waxaa laga rabaa inuu jaro 150 Dollar, si loogu kabo dadka bilaa mushaharka ah.

2;UNFPA oo mushahr siisa 10 qof, waxaa 10 kaas qaata lacag ka badan 200 Dollar 8 qof, taasi oo banaynaysa siduu dhigayo xeerka is af-garashadu

3;sida Cusbitaalka laga hirgaliyay inay jaraan wixii dheer 200. Tusaale ahaan qof haduu yahay mushaharka qofku 280 Dollar waxaa laga rabaa inuu jaro 80 Dollar, si loogu kabo dadka bilaa mushaharka ah.

4;UNFPA gaar ahaan qaybta qaabilsan Kufsiga iyo tacadiga haweenka (GBV da) waxaa ka hawl gala 4 qof, laba ka mida shaqaalahaasi si joogta ah ayay uga hawl galaan cusbitaalka, halka kuwa kalena aanay wali soo hawl galin laakiinse ay musharkooda qaataan. Afarta shaqaaleba waxay qaataan lacag ka badan 200 Dollar, taasi oo banaynaysa siduu dhigayo xeerka is af-garashada ee Cusbitaalka laga hirgaliyay inay jaraan wixii dheer 200.

5;IOM iyadu musharka siisa Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka  waxaanay siisaa xaddi lacageed oo ka badan 200 Dollar, taasi oo banaynaysa siduu dhigayo xeerka is af-garashada ee Cusbitaalka laga hirggaliyay inay jaraan wixii dheer 200.

Haddaba is weydiintu waxay weeyaan  halkee buu jiraa ka dheeligu?

Guud ahaan tirada qaadata lacag ka badan 200 Dollar waxay dhan tahay 23 shaqaale.

Fiiro gaar ah:Shaqaalaha markii laysku af gartay inay jaraan wixii dheer 200 Dollar musharkooda, waxaa jiray culays badan oo ahaa shaqaalaha intooda badani inaanay fursad u helin inay musharkooda ka helaan Haayad amma lagu dabaro lacagta ka soo baxda cusbitaalka, maxaa yeelay.

Xilligaas waxaa mushaharka  bixin jirtay Haayada AMPPCAN-SOM,Haayadaha kalena  kamay bilaabin mashaariicda ay ka fuliyaan Cusbitaalka Tog-wajaale  

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) baa waxa baa waxa uu maansadii sirta-nolosha ku yidhi:
Ninku yidhi sinnaan mayno

Adna diid sarrayntiisa

Sadka waad wadaagtaane

Ma sagaashan baa tiisu

Murti kale oo Soomaaliyeedna waxay tidhi

“Rag caddaalad waayaa Sidii cawsha kala yaac”

Waxaan uga socdaa haddiba uu culasykii badnaa ee Cusbitaalka ka jiray yaraaday, maxaa wali loogu sii dhagan yahay heshiishkii la galay wakhtigii xaaladu adkayd ee aanay Haayadaha badan ee hadda la shaqeeyaa aanay iman?

Guddi uu magacawday agaasimaha cusbitaalku ayaa shaqaalaha ku khasba  inay sharcigii hore lacagta ku bixiyaan, shaqaaluhuna wuxuu leeyahay sida tan:-

1; Sharciga hore ee aad dajiseen ha noqdo mid dhammaan shaqaalaha wada qabta, yaanuna noqon mid qabta miskiinka oo kaliya. Waayo shaqaalaha uu Agaasimuhu garab saarka ka helo ama xigtadiisa ah wax lacag ah lagama jaro waxaana loo sameeyaa cudur daar si aan lacag looga jarin.

Shaqaaluhu waxay ku doodayaan in uu sharciga shaqada iyo shaqaaluhu noqdo mid eex kamadhan oo shaqaalaha si siman u wada qabta. Dad badan baa siyaabo kala duwan uga hadlay caddaalad darooyinka sharci ee dalka ka jira, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) isaga oo sharcigan miskiinka uun qabta ka hadlayana wuxuu yidhi: sheegay:

“Sharciga wadatada ganaaxa

Wasiirkana weel u buuxsha”

A;Shaqaaluhu waxay leeyihiin lacagta walaalahayaga shaqaalaha ka mid ka ah waan jaraynaaye, xisaabtoodu intay doonto ha noqotee si isleeg dhamaantayo hana loogu qaybiyo qofka intii kuso hagaagaysa.

2;Shaqaaluhu waxay leeyihiin maadaama ay arintu tahay walaalkaa/Walaashaa uugu tabaruca, ayna muujinayso dan guud inay tahay haloo sinaado ka qayb galka dantaas guud ka uugu musharka badan ilaa ka qaata 280 Dollar ee uugu musharka yar marka la eego dadka sharciga ka jarista la raaco. Waayo shaqaalaha wixii 200 Dollar iyo inta ka hoosaysa musharkoodu yahay waxba lagama sii jari jaro.

Yaa dhagaysanaaya, yaa dhuuxaaaya ama dheeganaaya dhibaatada lagu hayo shaqaalaha qaybta rabta sharcigu inuu sarreeyo?

Meeyay maamulkii magaaladu, meeyay odayaashii, meeday cuqaaashii oo meeday culimadii?

-;Wax gunne ah oo ay ka helaan ma jiraan dhinaca shaqaalaha kasoo baxa cusbitaalka sida dawooyinka laga iibsado farmasiga, lacagta kasoo xeroota shaybaadhka , Lacagta laga qaado dadka la saaro Ultrasound ka, Lacagta laga qaado hooyooyinka umulaya iyo lacagta ay bixiyaan dadka loo qoro warqadda dhaawac muujinta.

Lacagta celcelis ahaan kasoo xeroota Cusbitalka  ayaa maalintiii ugu yaraan noqonaysa 25 Dollar, bishina 750 Dollar noqonaysa. Tani waxay kafayn kartaa baahi badan oo ka dhex aloosan Cusbitaalka.

-;Inay Lacagtaasi ku takri falaan dad gaar ahi, isla markaana aanay jirin wax muuqda oo dib loogaga soo celiyo cusbitaalka si baahidiisa loogu dabbarro.
-;Inayna shaqaaluhu u sinayn xadiga lacag ah ee uu mid kastaa jarayo, marka laga reebo maamulka cusbitaalka oo aan iyagu waxba jarin guud ahaanba iyo inta maamulka xidhiidhka gaar ka ahi ka dhexeeyo.
-;Shaqaale ka tirsan ka tirsan cusbitaalka oo ku qaata musharkooda Title aanay lahayn si ay u badato lacagta ay qaadanayaan.
Dhanka Shaqada

-;Inay jirto eexasho ama ka fudaydin ashkhaash gaar ah oo loo sameeyay
dhanka shiftiyada galitaankooda.

-;Inay jirto garabsiin ama eed ka leexin shaqaalaha kuwo ka mid ahi helaan, sida inaan digniin la siin haddii ayna shiftiyadooda soo galin, halka kuwo kale haddii ay maqnaadaan isla markiiba digniin loo soo dhajiyo.
In shaqaalaha ka shaqeeya shaybaadku aanay haysan ama uuna u shaqaynayn mishiinkii dhiiga lagu baadhayay si baahida bulshada loo dayactiro.
In dhakhaatiirta ka hawl gashaa aanay u suura galin inay ka helaan ama aanay oolin qaybta farmasiga dawoowinkii aas aasiga u ahaa cusbitaaladu.
.In Umbalance cusbitaalku aanu haysan qalabkiisii oo dhamaystiran si loogu fulin karo adeega looga baahan yahay.
.Inay dawooyinku intooda badan dhacaan ama Qasinka lagu daro iyada oon la isticmaalin, sababtuna ay tahay qiimaha dawooyinka oo la mid ah qiimaha dawooyinka laga helo xarumaha caafimaadka ee gaar ka loo leeyahay. Haddaba qormadani waxay ibo-fur u tahay xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira cusbitaalka Tog-wajaale.

Lasoco Qaybaha Danbe.

QALINKII; IYO DIYAARINTII MUWAADIN MADAXBANAAN.

Exit mobile version