WAJAALE NEWS

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Doonyo Sharci Darro Kaga Kaluumaysanayay Bada Somaliland.

SAYLAC(W,N)-Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ee gobolka salal ayaa gacanta kusoo dhigay doono sifo sharci daro ah kaga kaluumaysanayay biyaha badda Somaliland kuwaasi oo ka koobaan shan doonyood oo nooca kaluumaysiga lagana kala leeyahay dalalka jabuuti iyo yemen.

Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa doonyahan iyo shaqaalihii saarnaa kusoo xidhay saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha ee saylac.

Taliyaha ciidanka ilaalada ayaa faah faahin ka bixiyay doonyahan ay soo qabteen isagoo digniin udiray wadamada caadaystay in ay bada Somaliland sifo sharcidaro ah kaga kaluumaystaan.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

https://youtu.be/HrMfApvTMRc

Exit mobile version