HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha somaliland ayaa qoraal uu udiray xisbiyada mucaridka ah kaga dalbaday in ay kulan madaxtooyada ugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan muranka ka taagan komishanka
Xisbiyada mucaridka ah ee wadani iyo ucid ayaa ku gacan saydhay kulanka uu madaxwaynuhu ka dalbaday taasi oo baajisay kulankii maanta madaxwaynuhu doonayay
Wararka laga helayo madaxtooyada iyo xisbiyada mucaaridka ayaa midbal talaabada uu qaaday ku micnayanyaa halka madaxwaynuhu kulankan uga danlahaa sidii uu indhaha shacabka iyo daneeyayaasha somaliland utusi lahaa in ay dhamaysanayaan khilaafka ka dhexeeyay asxaabta taasi oo uu kuwado in ay dawo ka noqon karto dareenada beesha caalamku ka qabaan muranka xisbiyada iyo xukuumada taasi oo wakhtigan dhaawac wayn gaadhsiisay samcada somaliland ku lahayd dunida
Halka xisbiyada mucaaridka ay markii labaad ku dadaalayaan sidii ay uga foojinaan lahaayeen dabinada siyaasadeed ee madaxtooyada iyo waxkasta oo waji kale galin karan khilaafka wakhtigan udhexeeyay xukuumada oo dhawaan la filayo in beesha caalamku gasho dhex dhexaadinta xisbiyada iyo xukuumada.