WAJAALE NEWS

“Naxdin Iyo Tiiraanyo Ka Weyni Ma Jirto, In La Gummaado Shacab Aan Waxba Galabsan”Xisbiyada Mucaaridka Jsl.

HARGAYSA(W,N)- Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka Somaliland ee wadani iyo Ucid ayaa dhambaal tacsi ah diray shacabka somaliya iyo qoysaska dadkii ku geeriydooday qarixii shalay ee magaalada muqdisho.

Gudoomiyaha xisbiga wadani oo arimahaasi ka hadlayaana wuxu yidhi.

Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!

“Xamar dhaxal umay helin

In dhiig korkeeda lagu qubo

Xamar dhaxal umay helin

In dadkeeda lagu dhibo…” Abwaan Laabsaalax.

 

Exit mobile version