WAJAALE NEWS

Marwo faadumo Siciid Iyo Waftigii Somaliland Ee Ay Hogaaminaysay Oo Kulamo La Yeeshay Baarlamaanka Midowga Yurub.

BRUSELL(W,N)-Waftigii Somaliland Ee ay Hogaaminaysa Marwo faadumo Siciid kana koobnaa Xildhibaanada Golaha Guurtida iyo Wakiilada oo socdaal ugu kicitimaday qaarkada Yurub gaar ahaan xarunta midowga yurub ee Belguimka ayaa kulamo la yeeshay Golaha baarlamaanka Midowga yurub kuwaasi oo ay kala hadleen arimo khuseeya qadiyada Somaliland iyo xidhiidh ay la leedahay qaarada Yurub.

Marwo faadumo siciid ayaa warbixin kooban ka bixisay kulamada ay yeesheen iyadoo qoraal kooban ku baahisay barta ay ku leedahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna Udhignaa Sidan;

Kulamadi Barlamaanka Yurub.

Waxa Si Habsami Leh Noogu Socda Hawlihi Shaqo Iyo Kulamadi Aan La Yeelanay Golaha Barlamaanka Yurub Iyo Xildhibanadiisa

Waxa Ay Ku So Dhamaadeen Dhamaantood Is Afgarad Waxaan Isla So Meel Dhignay Qodobo Dhawr Ah Taas Oo Aan Ku So Bandhigi Doono,

Muuqaal Dhamaystiran Oo Ka Waramaya Guulaha Aan So Gaadhnay Inshalah.

F.G Sawirada Waxa Igu Weheliya Xildhibanada Golaha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland Iyo Xildhibanada Barlamanka Yurub

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version