Qofna lama xasuusto magaciisa lama maamuuso ilaa uu waxqabad la xuso ka tago mooyee.
Xiligii burburka kedib geyiga soomalida waxa soo foodsaray burur, barakac, baahi. Waxaa sido kale meesha ka baxay doorkii dawladu ku lahayd bulshada, waxaa la galay colaado iyo dagaalo sokeeyo kuwaas oo wiiqay awoodu yarayd ee bulshadu lahayd.
Deegaan walba ama gobol walba waxaa cidhiidhi noqday baahidii aas-aasiga ahayd , sida la ogyahay baahida aas-aasiga( BASIC NEEDS) waxaa laga dhigaa labo qaybood oo kala horeeya .
B: Cunto (Food), Hoy (shelter) , Hu (Cloth).
T: caafimaad( health), Waxbarasho( Education), amaanka ama nabadgelyada (security).
Kuwaas aan soo sheegnay qaybta B ee cunto , hu iyo hooy waa waxa cabirka laga saaro bulshada hadaysan intaasna haysan bulshadasi ma noolaan karto waxayna khatar ugu jirtaa in ay baa’bado degmadaas, qaybta kale ee T Waxbarasho caafimaad iyo amaan waxaa la dabaalan karta dawlad keliya sidaan ognahay.
Markii xaal halkaas marayay deegaanada qaarkood waxaa usoo baxay halyeey la dabaasha ugu yaraan in uu qaylo dhaan u diro bulshadiisa, deegaanada qaarkoodna wax samatabixiya way wayeen.
Gobalka sool waxaa usoo baxay marxuun samafale siciid aw cabdi kaas oo dantiisi gaarka ahayd ka hormariyay in uu deegaankiisi inyarna ha ahaate la dabaasho xaaladahaas aan soo sheegnay oo deegaanada soomaliyeed wada wajahayeen.
Wuxuu aas-aasay Hay’ad mutadawacnimo u shaqaysa taas oo luugu wan qalay SVO , taas uu qaylo dhaan cod dheer iyo cod gaabanba leh ugu qaylshanayay haayadaha deeqaha bixiya ee hoos taga UNITED NATIONKA IYO Kuwa mashaariicaha yaryar bixiya, uguna bandhigayay heerka liita ee deegaankiisu marayay markaas oo ahaa mid aad u hooseeya.
Marxuun siciid aw cabdi wuxuu isbedel weyn ku sameeyay heerkii nolaleed ee mandaqadan , kaas oo ku lug lahaa waxqabada aad u tiro badan.
Waxqabadadiisa waxaa ka mid ahaa.
1: In qoday ceelaal tiro badan oo laga hirgaliyay deegaankan meelk badan oo kala duwan, saanu ognahay biyaha waxay ku jiraan baahida ugu beyn ee dad iyo duunyaba ay noolan karin la’aanteed taas oo uu dhamaan daboolayay baahidii ugu weyneed ee biyaha ahayd.
2: In uu dhisay iskoolo danyarta wax lagu baro , sidokalena markii waxbarashada la dhidbay uu deeqo waxbarasho siiyay ardayda aan awoodin waxbarashada.
3: In uu deegaanka ku sameeyay in uu ka mooso daadka iyo qulqulka biyaha ee waxyeelada ku samaynaya deegaanka.
4: In uu goobo caafimaad dhidbay isagoo kaashanaya haayado waaweyn sido qalabayn u sameeyay goobahaas.
5: In uu waxqabad weyn ka qaaday degmada laascaanood, sido kalena uu bilicda gobalka muujiyay isagoo si naf hurid leh ugu sameeyay baabur qashinka ka qaada magaalada shaaracyadeeda iyo xaafadaheeda.
6: In uu si joogto ah raashin u siinjiray masaakiin aan awoodin in ay daboolaan baahidooda cunto.
7: In uu keenay mashaariicyo badan oo shaqo abuuris iyo waxqabadba u lahaa dhamaan degmooyinka deegaankan.
8: In uu ka qayb qaatay dejinta colaadaha ee sok foodsaara deegaankan isagoon cidna dhanaca saarin.
9: in uu samatabixiyay baahiyihii joogtada ahaa ee soo foodsaara deegaankan isagoon cidna ku halayn.
10: In uu gobalka keenay waxqabado dheeraad ah isagoo kaashanaya Hay’adaha deeqaha bixiya alla deeqda baxshee.
Naxariistii jano alle haka waraabiye marxuun siciis aw cabdi ayaa ahaa shakhsi aan marnaba ka bixin maskaxda iyo dhimirka bulshaweynta gobalka sool , isago ugu suntan bilada dahabiga ah ee NOBEL PEACE-ta taas oo ay hantee aduunkan dad aad u tiro yar ha ugu caansanadee Nelson mandela.
Ma ilaawi doono marxuun saciid aw cabdi alle raxmada ha ka waraabiyee.
Waana shakhsi laysku raacay wanaagiisa markhaatina looga yahay aduun iyo aakhiraba .
Maanta oo koobkii kubada cagta gobalka sool soo xidhmayay ayaa waxaa dib noosoo xasuusiyay laacib ka mid ah kooxihii hardamayey magaciisana la yiraahdo Faarax Daahir Faarax (kolo kolo) taas oo bulshaweynta gobalkan qiiro iyo xasuus dareen taabad leh.
Halkudhegyadii Marxuun SICIID AW CABDI ku xasuusano waxaa ka mid ahaa:-
(BULSHONA MA HORMARTO ILAA AY IS HORMARISO IYADU MOOYE).
( ADUUNKAN MA JIRTO WAX FADHI KU YIMAADA EE AAN WAX QABSANO WAAN AWOODNAAYE ).
( WAXAAN NAHAY BINIAADAM ALLE KARAAMEEYAY INAKOO ALLE KAASHANAYNA AAN KUR U KACNO.)
Kuwaas iyo kuwa kale oo dhiirigelin mudan waana halkudhegyo i xasuusiyay dhiirigeliyihii reer England ee mr duncan isagok halku dhegyadiisu ka mid ahayd ( hadaad rabto inaad barato baaskiilka inta badan wuu kula dhacayaa , laakiin ha degdegin hana welwelin ku celceli waana in aad leedahay kalsooni《confidence》 iyo ku celcelin《practice》 ugu danbayn guusha waad gaadhaysaa).
La socda qaybaha danbe ee waxqabadkii iyo astaamihii suubanaa ee marxuun siciid aw cabdi.