WAJAALE NEWS

59 Sanno Ka Dib Wali Waxaan Is Waydiinayaa Su’aalahan Oo Aan Jawaab U la’yahay?

1.26 june 1960-kii waxa Somaliland aqoonsatay 33 dal sida taariikhda ku duugan, hadaba Soomaaliya kowdii july markii Talyaanigu siiyey xoriyadda imisa dal baa aqoonsaday ???

2.Markii Somaliland dal ahaan loo aqoonsaday waxay maamulkeedii ku fidisay Soomaaliya, waxaanay caasimad ka dhigatay Muqdisho oo maamulkii oo dhan u guuray ma sidaas bay beeshii caalamka ee wax aqoonsan jirey u qaateen waana sababta kowda July loogu yeedho mideyntii labadda gobol??

3.26 june 1960 dhulkii ugu horeeyey ee xoriyad hela ee Soomaaliyeed waxay noqotay Somaliland, waxaana calankii laga taagay Hargeysa, waxaana UN-ta u diwaangashan calankaasi laga taagay Hargeysa, hadaba magaca lagu diwaangaliyey ma Somaliland baa, ma Soomaaliya, ma jamhuuriyadii Soomaaliyeed-baa, iyana su’aalo badan baa ka taagan ??.

4.Sanad ka dib markii la isku biirey Somalia iyo Somaliland waxa timid saluug ay qabaan Somaliland oo u arkay in laga badsaday nidaamkii Maamul, taasina waxay keentay inqilaabkii ka dhacay gobolada Waqooyi, siyaasiyiintii wagaasi joogtay waxba kama qaban saluugaasi ismana waydiin sida saluugaasi loo saxaa, markii saluugaasi waxba laga qaban waayey waxa timid inuu burburo dalkii Soomaaliyeed oo Somaliland gaar u go’do, illaa hadda waxa sababay saluugaasi cidna isma waydiiso, Nidaamka maamulna lama saxo, walina koonfur waxay raadinaysa midnimo, sababtu illaa imika wax looga qaban waayey maxay tahay ???

5.Sanad kasta madaxda Soomaaliya waxay ka hadlaaan midnimo, iyadoo wali aanay sixin wixii 1961-kii inqilaabka u sameeyeen saraakiishii reer Waqooyi ee sodan sanno ka dibna si toos ah uga go’day Soomaaliya ayaa illaa imika oo laga soo wareegay sodan sanno oo kale midnimo afka ah oo aan ficil lagu darin raadinayaan madaxda Soomaaliya, maxa lagu tilmaami karaa midnimada aan ficilka wadan ee wali koonfurtu raadinayso ????

Su’aalahaasi waa mid sanad kasta wakhtigan oo kale is waydiiyo,waxaan u baahanahay cidii ka jawaabi lahayd ????

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

Exit mobile version