WAJAALE NEWS

War Deg-Dega-Masuuliyiintii Ka Xidhnaa Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani oo Xabsiga Laga Siidaayey.

Hargeisa(W.N):-Waxaa Xabsiga la siidaayey masuuliyiintii ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ee Waddani oo kala ahaa Xoghayihii guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, iyo Afhayeenkii Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, iyo Sidoo Kale oday isagna lagu xidhay kalmada ilameeraayso oo caan ka noqotay baraha bulshada oo kamid ahayd dhaliilo uu hore ugu jeediyey Madaxweynah qaranka somaliland, Taas oo halhays ka dhigteen dadka qaar.

Siidaynta masuuliyiintan kala duwan ayaa ka danbeysay sida ay sheegeen Gudidii ka koobnaa culimada iyo ganacsatada ee dhexdhexaadinta ka waday xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada oo maanta Warbaaahinta u Sheegay in Madaxweynuhu ka aqbalay in lasii daayo masuuliyiintaasi ka xidhnaa Xisbiga Waddani.

Masuuliyiinta Ayaa warbaahinta Kula hadlaya Caasimada Hargeisa. Mardhow Filo Muuqaalka.

https://youtu.be/8f_o1d6oHY8

Exit mobile version