HARGAYSA(W,N)- Aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil oo loo garan og Yahay (Bireeye) kana mid ah dhalinyarada reer somaliland ee sida joogtada ah wax uga Qora xaalada dalka iyo wadamada jaarka ayaa saaka canbaaro 10;00AM subaxnimo ciidamada boolisku ka xidheen Agagaarka Wasaarada Maaliyada oo Uu ku sugnaa.
Ciidamada booliska ayaa Maxamed Dhimbiil ku xidhay xarunta Dambi baadhista somailand ee C,I,D, iyaga Aan sheegin sobobta loo xidhay iyo dambiga uu galay toona.
Wararka laga helayo xadhiga Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ayaa sheegaya in xuukumada Madaxwayne Biixi dhibsatay qoraal uu mudooyinkii udanbeeyay ka qorayay xaalada siyaasadeed ee Somaliland, iyo balan qaadyadii xisbi xaakimka kulmiye,
Dhanka kale xogaha laha helayo xadhiga aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ayaa intaa ku daray in xadhigiisu ay sobobta utahay qoraal maldahan oo uu kaga hadlayo dhaq dhaqaaqyada ka socda jabuuti kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo turjumay amarka xadhigiisuna uu ka yimid dhinacaasi,
Ciidamada booliska iyo xukuumada ayaan wali ka hadal xadhiga Aqoonyahan dhimbiil iyo sobobta ka danbaysa.
Maxamed Dhimbiil ayaa dhanka kale ah hogaamiyaha urur siyaasadeedka S.P.P oo ah urur loo diyaariinayo in uu hawlgalo marka ay gaadho furista ururada somaililand, Xanbaarsana aragtida dhalinyarada Somaliland.
Wixii kasoo kordha xadhiga aqoonyahan maxamed dhimbiil kala soco wararkeena danbe.
WAJAALENEWS DESK.