WAJAALE NEWS

Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil Oo ka Hadlay Xadhiga Ay Xukuumadu kula Kacday Iyo Sifaha Loo Qabtay+ Siidayntiisii Caawa!

Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil Oo Dib Uhelay Xoriyadiisii 34 Sacadood Kadib  Oo Uu Ku Xidhnaa Xarunta C,I,D,

HARGAYSA(W,N)- Aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil Oo Ciidanka Boolisku xabsiga utaxaabeen shalay Canbaaro 10;00subaxnimo iyaga oo Aan usoo Marin Sifo Sharci ah Xadhigisa Ayaa caawa la siidaayay,

Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ayaa caawa la siidaayay canbaaro 7;00 fiidnimo.

Majiro wax war oo kasoo baxay xukuumada iyo ciidanka booliska oo ay ku sheegeen sobobta ay uxidheeen masuulkan iyo waxa  ay kusii dayeentoona.

Siidaynta Aqoonyahan Maxamed dhimbiil ayaa wararka aanu ka helaynaa tibaaxeen in ay Timid kadib markii ay ciidamadu  ku wayeen wax dambi ah kuna fashilmeen kooxihii ka danbeeyay xadhigiisu in ay keenaan eedayn  sicad u sheegaysa dambiga lagu haysto

Aqoonyahan Maxamed dhimbiil oo ka hadlay Siidayntiisa isaga Oo Qoraal kooban ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada ee facebookga ayaa wuxu udhignaa sidan;

“Hada Ayaan Xoriyadaydii dib u helay ka dib markii aan sifo sharciga Baal Marsan ugu xidhnaa Xarunta dambi baadhista somaliland ee ( C.I.D) Mudo 34 saacadood ah !”

Wajaalenews desk

Hargeisa office

 

 

Exit mobile version