WAJAALE NEWS

DAAWO;-Madaxwayne Deni Oo Su,aalo Kulul Oo Xildhibaanadu Waydiiyeen Ay Sobobtay In Uu Cadho Kaga Baxo Fadhigii!

“Ma Ahi Nin Lagu Cabsiin Karo In Aan Waajibkeyga Garan Waayay,Mana Ahi Nin Loo Sheegi Karo Danta Iyo Dawga Dowladdani”Madaxwayne Deni.

GAROOWE(W,N)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ayaa isaga baxay Kalfdhiggii 45aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay kaddib markii su’aalo adag lagu weydiiyay.

Xildhibaano ka tirsan mudanayaasha  Baarlamaanka  Puntland ayaa weydiiyay madaxweyne Deni su’aal u dhaceysay in madaxweynuhu ku fashilmay hoggaaminta Puntland, sidaa daraadeed looga baahan yahay isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka intaba in ay banneeyaan xafiiska.

Su,uusha Xildhibaanka oo ahayd Sidan; ”Waxaad xilka haysay Sagaal bilood, wejiga dhabta ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro maalmihii ugu dambeeyay ee  muddo xileedkaaga, sidoo kale waxaa batay is qabqabsiga adiga iyo madaxweyne ku-xigeenkaaga, xaalada meel khatar ah ayey mareysaa Puntland ilaa heer la gaadho in Masaajida laga Alla Baryo, sidaa daraadeed miyeysan kula aheyn in aad xafiiska banneeysaan madaama aad ku fashilanteed hoggaankii la idiin dhiibay?” Ayuu Xildhibaan Cawil Waydiiyay.

Ka hor inta Uusan ka jawaabin madaxweynaha su’aasha uu weydiiyay xildhibaan Cawil waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo yidhi” Idinkoo sharfan, madaxweynuhu waa madaxweynihiinii, su’aalahana ha ahaadeen su’aalo hufan oo sharfan oo aan weerar ku ahayn shaqsi, dalka iyo dadkana maslaxaddiisa ah. Sidaas ayaan codsanayaa”.

Madaxweyne Deni oo su’aasha ka jawaabayay ayaa yidhi: “Xaqiiqda marka loo hadlo, dadka dalka xogtiisa  haya ma’ahan Baarlamaanka oo keli ah. Dalka xogtiisa waxaa haya dadka  reer Puntland oo dhan”.

“Markaan xilka qabannay meesha uu dalka joogay waad ogtihiin. Maanta waxa aan sheegeyno ma ahan warqado hadallo ku qoran; Waa wax xaqiiq dhab ah oo jira”, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Amniga, meelihii ugu darnaa waxaa ka mid ah Boosaaso, waxaan filayaa in dad badan oo mas’uuliyiin ah ay Boosaaso ka yimaaddeen. Waxaan ka rabaa Cawil inuu caddeyn dhab ah keeno meesha amni darro darteed looga qanuuday”, ayuu yiri Deni.

Wuxuu intaa ku daray: “Gobolka Sanaag oo dhan, marka laga reebo magaalada Yubbe iyo inyar oo la mid ah, gacanta Puntland ayay soo gashay muddadii aan xilka haynay”. Kadib waxaa u sacbiyay tageerayaashiisii fadhiyaey kulanka.

Markii uu halkaa hadalka marinayo madaxweyne Deni waxaa ka soo dhaxgalay xildhibaan Cawil oo guddoonka Baarlamaanka weydiisata yin madaxweynuhu uusan wali ka jawaabin su’aashiisii islamarkaana uu meel kale ku warwareegayo, hasse ahaatee madaxweyne Deni oo aad u cadheysay ayaa ku jawaabay” Waad aamuseysaa nidaamka  dowladnimda haddadan raacinna, adiga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadaya”.

“Ma ahi nin lagu cabsiin karo in Aan waajibkeyga garan waayay, mana ahi nin loo sheegi karo danta iyo dawga dowladdani ay dooratay”, ayuu hadalka ku sii daray.

intaa kaddibna madaxweynaha ayaa isaga baxay hoolka shirka Baarlamaanka, isaga oo u muuqday in uu siweyn uga cadhooday su’aalaha la weydiiyay, maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray hadal heyn ku saabsaneyd in uu soconayo mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo la horgeynayo Baarlamaanka Puntland.

HALKAN KA DAAWO MADAXWAYNE DENI IYO WIXII KALA QABSADAY XILDHIBAANADA?;

 

 

Exit mobile version