BORAMA(W,N) Madaxweynaha Jsl Muuse biixi cabdi oo maanta ka qaybgalay xafladii qalin jabinta camuud ayaa Aqoonyahanka qalinjebiyey ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshada dhexdeeda ka jira, “Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;