NEW YORK(W,N)-Madaxaweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Waraysi ay la yeelatay Idaacada VOAda ayaa kaga hadlay loolanka u dhaxeeya dowladda Kenya ee Kursiga Qaarradda Africa umatali doona xubinnimada Golaha Amaanka ee Qarramada Midoobey
Madaxwayne ayaa wuxuu sheegay in dowladdaha Jabuuti ay difaacanayso xaqa ay uleedahay helitaanka kursiga Africa umatalaya Qaramada Midoobay isagoo xusay dalka Kenya uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo, gaar ahaan waxaa uu sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya uu dhaafsiisan yahay mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu gaadhsiisan yahay ilaa heer mushtamac isaga oo tusaale u soo qaatay in Kenya magangalyo siisay oo dalkeeda ay ku nool dad Soomaaliyeed.
Laakiin dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti ayaa eedeyn u jeediyay Golaha midowgga Africa oo u codeeyay in kursiga Golaha Amniga Qarramada Midoobey ku matasho Kenya, waxaan uu sheegay madaxweyne Geelle in arintaasi aheyd mid qalad ah.
”Qaladka ay galleen wadamada midowga Africa waxaan odhan karaa wuxuu ahaa mid xaqa Jabuuti lagu luminayo oo la baalmarayo, waayo Kenya Labo jeer ayeey Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ku matashay Qaarradda, laakiin Annaga mar kaliya ayeey aheyd, sidaa daraadeed waxaan u arkey-nay cadaallad darro la sameeyay” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.
Wali waxaa taagan loolanka labada dowladood Jabuuti iyo Kenya ee la xiriira xubinnimada Kursiga Golaha Amaanka waxaana ay Jabuuti hadda taageero mug leh ka raadeysneysaa wadamada Carabta oo dhankooda taageero u muujinaya.