GABILEY(W,N)-Dhismaha Maktabada Qaran ee magaalada Gabiley ayaa Dhismaheedu marayaa meel fiican taasi oo ay iska kaashadeen Xukuumada,Dawlaha hoose ee Gabiley iyo Qurba joogta Reer Somaliland.
Dhalinyarada Gobolka Gabiley Oo maanta booqasho ku tagay goobta ay ka socoto dhismaha maktabadu, Waxaana warbixin ka siiyay Mustafe Muxumed Xasan oo kamida gudida gacanta ku haysa dhismaha Maktabada.
Sidoo kale Waxaa iyana dhinacooda ka dareen celiyay waxa ay indhahooda kusoo arkeen qaarkamida dhalinyaradii booqashada ku tagtay kuwaasi oo fariin diray dhalinyarada gobolka iyo guud ahaan shacabka reer gabiley.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;