HARGAYSA(W,N) Lix kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmaday gabiley oo mudo ku xidhaa magaalada hargaysa ayaa maanta Shan kamid ahi ay dib uheleen xoriyadoodii marka laga reebo hal xildhibaan oo wali isagu xidhan.
Xadhiga xildhibaanada ayaa waxaa ka danbayay wasaarada arimaha gudaha oo ku doodaysay in ay ka hor yimaadeen wareegto uu soo saaray wasiirka arimaha guduhu taasi oo uu ku mamnuucayay kalfadhiyada golayaasha deegaanka iyo in aanay gabi ahaanba xilka ka qaadi Karin maayarada dalka.
Shanta xildhibaan ee maanta lasii daayay ayaa kala ah
1;Xildhibaan xasan Maxamed Axmed Dhagjar
2;Xildhibaan Mustafe Sayid Abokor
3;Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi
4;Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Faarax
5;Xildhibaan Buraale Mawliid
Sidoo kale waxaa wali xarunta C,I,D Ku xidhan xildhibaan Iid xasan cabdi oo aan si rasmiya loo ogayn waxa kalidii loogala hadhay xildhibaanadii kale.
Majirto wax hadal oo kusaabsan siidaynta xildhibaanada oo kasoo baxay xukuumada iyo dhinaca Xildhibaanada Lasiidaayay toona
HADABA FAAH FAAHIN KU SAABSAN CIDA SIIDAYSAY XILDHIBAANADA ,DOORKII WASIIRKA ISGAADHSIINTA, IYO XAQIIQADA SHURUUDO LA SHEEGAY IN AY XUKUUMADA KU XIDHAY SIIDAYNTOODA
KALA SOCO WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.