Hadday taladu kuu Muuqatoon, Lagula Haaneedin
Hifaatiyo Waxay Kugu Tartaa, Huqiyo Ciilleeye
Anun baw Hanganayee Wanaag, Uma Hilowdaane)
Cabdilaahi Suldaan (AHUN)
Dawladuhu waxay isku qabaan dano iyo maslaxado midba ka kale uu ka rabo, iyadoo la is waydaarsanayo baahida iyo danta la iska leeyahay, mana jirto hadyad iyo samafal uu waddan wadan kale iska siiyo, qofka sidaasi moodaana waa mid aan habeen jirin, walibana gudcur gudaya, waana sababta safaaradaha iyo qunsuliyadaha loo sameeyo, hadaba dawladuhu waxay ka shaqeeyaan inay bulshadooda u adeegaan kana ilaaliyaan hagardaamada, dhiig-miiratada iyo bahdilaada, si muwaadinku ugu noolaado karaamo iyo qadarin keenta inuu ku qanacsaado dalkiisa,difaaco una damqado kana dhiidhiyo wixii dibin-daabyo ku ah xitaa yaanu wax-buuranba ku haysane.
Dawladda Somaliland waxay xidhiidh dibloomaasiyadeed la yeelatay dawladda Turkiga ka dib markii ay dhex-dhexaadisay labada Dal Somalia iyo Somaliland sannadkii 2012kii. Waxooga Ka dib shirkii London ka dhacay 23kii February 2012.
Taasi waxay keentay in la furo qunsuliyaddan si ay dadka Caafimaadka iyo danaha kale uga baahan dalkaasi loogu fududeeyo, waana tallaabo wanaagsan oo dadkiina siisay fursad, balse ka waran haddii qunsuliyaddii ay bilawdo inay dadka ka shaqaysato iyadoo lacagta laga qaado dadka maalin walba ku sii kordhinaysaoo ay waliba bahdisho iyadoo ku celinaysa baasaboorkii Dalkiisa?! ka waran haddii qofkii bukaanka ahaa dhawr bilood la soo celceliyo walibana laga qaado lacag aad u badan isagoo dalkiisii jooga?!
2014kii Qoraal kooban oo ay qunsuliyadu ku baahisay barta ay ku leedahay twitterka, waxay ku sheegtay in laga bilaabo 26 September la bilaabay bixinta fiisayaasha waxaanu u dhignaa sidan “Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa (Turkish consulate in Hargeisa) waxay bilowday bixinta fiisayaasha laga bilaabo 26 September 2014.” Laakiin cid is waydiisay ma jirto baasaboodhka Somaliland maa lagu baxayaa?
2016kii markii inqilaabkii Turkigu dhacay ayaa ay sheegeen in qunsuliyaddu ay bixin doonto fiisaha Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo sheegay inay imika (2106) ay siiyeen qaar ka mid ah madaxda dalka oo ay ku baxeen baasaboodhka Somaliland, halkan ka dhagayso hadalkii qunsulka https://www.youtube.com/watch?v=-QqP5Df5eGA
balse cid ka war haysa muwaadinkan ciilan ee lagu celcelinayo qunsuliyada ma jirto, mana jirto meel uu ugu caban karo muwaadinku marka lagu soo diido baasaboorkii wadddankiisa.
Shuruudaha ay dadka ku xidhaan waxaa ka mid ah kuwan iyo qaar kale oo ay maalinba maalinta ka danbaysa dadka ku kordhinayso;
Warqadda caafimaadka qofka
Warqadda danbi la,aanta
Baasaboorkaaga (original iyo koobi)
Laba sawir oo kur ah
Warqadda diyaaradda aad raaci lahayd
Heshiiska meesha aad u shaqayso
Warqadda hudheelka aad ku degayso markaad turkiga tagto
Iyo foormka lagala soo dego meeshooda oo la soo buuxinayo
Waxayse maanta ku soo kordhiyeen warqadda “Caymiska caafimaad”, waxay soo kordhin doonaanna waa loo wada joogi doonaa.
Waxa intaa dheer inay u soo dhigatay xafiisyadii yaryaraa ee Travel Agencyga ahaa oo ay iyadu (Qunsuliyaddu) dadkii u samaynayso xeraynta fiisayaasha iyo hudheelada ay ku dagi doonaan labadaba maadaama ay shuruudahooda ku Dareen, taasina waxay dhaawac ku tahay muwaadinkii shaqadiisu ahayd soo saaritaanka Visaha ee ku xidhnaa diyaaradaha intaasina u ahayd shaqo, waxay sidoo kale caddaynaysaa inay soo shaqo tageen oo aanay jirin wax xeer ah oo qabanayaa.
Waddankayga maan garan faa’iidada ay ku haystaan Qunsuliyad isku sheegta iyadoo qabanaysaa hawlihii travel agencyga ahaa iyo waxa ay ka dheefayaan, hore ayuu Xildhibaan nac-nac oo soo booqday lana dhaqmay meeshu soo ogaaday hagardaamooyinka ay dadka ku hayso linkigan ka daawo xildhibaanka hadalkiisa https://www.youtube.com/watch?time_continue=72&v=GPBxykNGHH4
Siyaasadduna maaha hadyad la isa siiyo waase fursad la samayato, 2016kii ayaan ku taliyay si turkigu ixtiraam inoo siiyo, oo uu laba mid soo kala galo; saaxiib wanaagsan ama kala socosho wacan waa inaynu xidhiidh la samaynaa Fatxullaahi Gulan. Haddii kalase silican iyo bahdilaadan uun baa lagu hayn doonaa muwaadinka reer Somaliland.
Qallinkii Cabdiqani Xaaji Cali